Daawo Sawirro: wafdi heer wasiir ah oo ka socda mid kamid ah dowladaha deriska ah oo Muqdisho soo gaaray.

image

Wafdiga ka socda dowlada Jabuuti oo heer wasiir ah ayaa garoonka dayuuradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay wasiirka Garsoorka Cadaalada Diinta iyo Awqaafta ee dowlada Soomaaliya, C/llaahi Abyan Nuur, safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Dayib Dubad Rooble iyo masuuliyin kale.

Wasiirka Diinta Dhaqanka iyo Awqaafta Jabuuti Aadan Xasan Aadan oo shir Jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa saxaafada u sheegay in isaga iyo wafdiga uu hogaaminayo ay u yimaadeen ka qeyb qaadashada xuska munaasabadda xoriyadda ee 1-da July oo ku beegan caawa taasoo ah sanadguuradii 53aad ee ka soo wareegtay xoriyadii gobolada Koonfureed iyo midowgii labada gobol ee woqooyi iyo Koonfur.

Sidoo kale wasiirka ayaa xusay iney u yimaadeen sidii ay walaalohooda Soomaaliyeed ula qeybsan lahaayeen farxadda munaasabadaha lagu weyneynayo maalinta madax banaanida ahna israacii labada gobol.

Wasiirka Garsoorka Cadaalada Diinta iyo Awqaafta ee dowlada Soomaaliya, C/llaahi Abyan Nuur ayaa waxa uu wafdiga u galbiyay halka looga arimiyo dalka Soomaaliya, waxaana lafilayaa in ay kulamo lasii qaadan doonaan inta laga gaarayo xuska oo saacado ka dhimanyihiin.

image

image

image

Habayntii Wariye sugulle
Hedmark.Norway.

image

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s