Xasan Dahir Aweys oo wali ka dhaga-adeegaya inuu Muqdisho yimaado iyo diyaaradii qaadi laheyd oo hawada ku soo jirta.

image

Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa mar kale diiday in Muqdisho loo wareejiyo, iyadoo uu fashil ku yimaaday wada hadalo ku aadanaa mustaqbalka Wadaadka oo uu mugdi ku jiro.

Wararka laga helayo Cadaado ayaa sheegaya in Sheekh Xasan uu ka horyimid qorshe ay wadaan wafdigii dhinaca dowladda ka socday, sida Xildhibaanada, saraakiisha iyo odayaasha dhaqanka oo ahaa in Muqdisho loo wareejiyo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Wadaadku uu ku adkeystay inuu sii joogo Cadaado, isla markaana aanu meelna ugu bixin, taasoo keentay inay ka caroodaan maamulka Ximin iyo Xeeb.

Inkastoo la filayay in go’aan laga soo saaro wada hadaladii shalay, xalay ilaa saaka ka socday magaalada, ayaa hadana waxaa muuqata inay wax badan iska bedeshay sidii la filayay.

Xiriiro aan la sameynay Cadaado ayaa sheegaya in labo ka mid ah xubnaha la socday Sheekha ay xireen ciidamada maamulka Ximin iyo Xeeb, lamana oga sababaha loo xiray.

Sidoo kale amar ka soo baxay Maamulka ayaa lagu sheegay in dadka ku ag dhow guriga la dejiyay Sheekh Xasan Dahir ay ka guuraan, iyadoo maamulka damacsan yahay in tallaabo uu qaado.

Diyaarad la sheegay inay qaadeyso wafdiga maalin ka hor gaaray Cadaado ayaa hawada ku jirto, taasoo saraakiisha Ximin iyo Xeeb ay sheegeen inay xoog ku saari doonaan Sheekh Xasan Dahir Aweys.

Saakay ayay aheyd markii Afhayeenka Maamulka Ximin iyo xeeb uu sheegay in maanta kama dambeys aysan ogolaaneyn inuu ku sii sugnaado magaalada.

Xigadho.jawhar.com
Q.Sugulle mohamoud
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s