Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaaladii Kismaayo Cida Caawa inta badan haysata Magaalada iyo Ciidamada Kenya oo ka qeyb qaatay Dagaalada

image

Waxaa Maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ka dhacay mid kamid ah Dagaaladii ugu Cuslaa oo u dhaxeeyay raga isku heesta Madaxtinimada Maamulka Jubaland State.

Dagaalka ayaa ahaa mid si toos ah ugu dhaxeeyay Ciidamo daacad u ah Col.Barre Aadan Shire (Hiiraale) gacan ka helayay rag kale oo iyana kamid ah kuwa sheegta Madaxtinimada Jubalanad State iyo sidoo kale Ciidamada Raaskanbooni oo dhinac ah taageerana ka helayay Ciidamada Kenya ee Kismaayo kusugan.

Dagaalka ayaa marar kala duwan ka qarxay Magaalada Kismaayo iyadoon ay dhinacyada dagaalamayay ay marar kala duwan qoloba mar Magaalada inta badan laga saarayay inkastoo Caawa gacan ku heynta Magaalada Kismaayo ay inta badan la wareegeen Kooxda Raaskanbooni.

Goob joogayaal kusugan Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in dagaal culus oo galabta dhacay ay inta badan Magaalada dib ula wareegeen Ciidamada Raaskanbooni oo taageero milatari ka helayay Ciidamada Kenya ee kusugan Magaalada Kismaayo.

Goob joogayaal ayaa sheegay in la arkayay Diyaaradaha Dagaalka Kenya oo dagaalka ka qeyb qaadanayay duqeyn culusna ku garaacayay aagaga ay kusugnaayeen Ciidamada Uu hogaaminayo Barre Hiiraale waxaa sidoo kale jiidaha dagaalka lagu arkayay Dabaabaadka Ciidamada Kenya oo iyana dagaalka ka qeyb qaadanaya.

Afhayeenka Kooxda Raaskanbooni C/Naasir Seeraar ayaa sheegay in ay Ciidankooda la wareegeen inta badan Magaalada Kismaayo banaankana u saareen Ciidamadii la dagaalamayay uu ugu yeeray Ciidamo qaswadayaal ah ay Dowlada Soomaaliya Kismaayo usoo dirtay gacana ka helayay Dagaalyahanada Al-Shabaab.

Dhinaca kale Col. Barre Hiiraale oo isna ka hadlay Dagaalka Kismaayo kasocda ayaa sheegay in ay iska difaaceen Kooxda Axmed Madoobe oo Weerar kusoo qaaday waxa uuna xusay in ay joogaan Magaalada Kismaayo qeybo badan oo kamid ah beena ay tahay Wararka sheegaya in Magaalada laga saaray.

Col.Barre Hiiraale ayaa ku eedeeyay Ciidamada Kenya in ay ka qeyb qaadanayeen Dagaalkii Cuslaa ee Maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo waxa uuna sheegay in Ciidamada Kenya ay rasaas iyo daawaba ugu deeqeen Ciidamada Raaskanbooni sidoo kale ay dagaalada si dad badan ugu qeyb qaadanayeen Dagaalka Kismaayo.

Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa caawa wax xoogaa dagan waxaana mararka qaarna la maqlayaa Rasaas Goos goos ah iyo Madaafiic ay labada Dhinac is dhaafsanayaan , waxaana inta badan caawa Magaalada Kismaayo gacanta ku haya Ciidamada Raaskanbooni uu Hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.

in kabadan 30-qof oo u badnaa dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay Dagaalka Kismaayo kasocday oo maanta galay maalintii labaad waxaa tiro kale oo aad u badan ayna ku jiraan dad shacab dagaalka kazoo gaaray dhaawacyo kala duwan kuwaa oo lagu daweenayo isbitaalada Magaalada Kismaayo.

Xalaada Kismaayo ayaana ah mid aan wali xaalkeeda aysan dhinac u dhicin waxaana xili kasta la filan karaa dagaalo kale oo Culus oo dhax maraya dhinacayada isku heesta Magaalada Kismaayo maadama wali ay isku hor fadhiyaan goobihii ay ku dagaalameen.

Waxii Warar Dheeraad ah oo kusoo kordha arimaha Kismaayo kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Warsugansomaliya@gmail.com
Q.Sugulle mohamoud
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s