War Deg Deg Ah Xasan Daahir oo mar kale Diiday in Muqdisho la keeno iyo labo katirsan Saraakiisha lasocota oo la xiray

image

Wararkii ugu Dambeeyay aan cadaado ka helnay ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu saakay mar kale diiday in loo soo duuliyo Magaalada Muqdisho loona gacan galiyo Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Sheekh Xasan Daahir AWeys iyo Gudigii Dowlada kasocday ee gaaray Cadaado iyo Ximin iyo Xeeb waxa ay xalay isku afgarteen in Muqdisho loo soo duuliyo hasa ahaatee saakay uu is badalay uuna diiday in Muqdisho loo soo duuliyo Dowladana loo dhiibo.

Ciidamada Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa la galiyay Heegankii ugu sareeyay waxa ayna hada ka war sugayaan Odayaasha Beesha Ceyr ee kusugan Cadaado in ay usoo gudbiyaan go’aanka ugu dambeeya iyadoona hadii uu Xasan Daahir Diido in Muqdisho loo soo duuliyo ay doonayaan Maamulka Ximin iyo Xeeb in Dowlada u gacan galiyaan isaga oo jeebeesan diyaaradna xoog usoo saaraan.

Waxaa hada socdo wadahadaladii ugu dambeeyay oo ku aadan sida Sheekh Xasan Daahir Aweys loogu soo duulin lahaa Magaalada Muqdisho inkasto uu diidan yahay hasa ahaatee Maamulka Ximin iyo xeeb ayaa ku adkeesanaya in deegaanadooda aysan kusii heyn karin Xasan Daahir ayna u gacan galinayaan Dowlada hadii uu diido in Muqdisho la geeyo.

Dhinaca kale labo kamid ah Horjoogayaasha la socda Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa lagu xiray Magaalada Cadaado waxaana wali la ogeyn sababta loo xiray ragan horjoogayaasha ah ee lasocday Sheekh Xasan Daahir oo mid kamid ah magaciisa lagu sheegay Cali Yaab.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xigasho allbanaadir.com

Q.Sugulle mohamoud
Hedmar. norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s