Beesha uu kasoo jeedo Sheekh Xasan Daahir Aweys ee Habar Gidir ayaa hada ku hoolan bad baadinta Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo sidii looga dhiqi lahaa dambiyadii dagaal uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed ku waxyeeleeyay.
Sheekh Xasan Daahir Aways ayaa
katirsanaa allshabaab ahaana nin ka maarmay beeshiisa hasa ahaatee hada Marka uu xaalkiisa soo xumaaday kana soo baxsaday Al-Shabaab ayuu u qeylo dhaansaday Beeshiisa kana codsaday Bad baadintiisa.
Odayaal iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Beesha Habar Gidir uu kasoo jeedo Sheekh Xasan Daahir ayaa u ololeenaya in Sheekha ay Dowlada Soomaaliya iska cafiso kana codsaday Dowlada in Dalka Qadar loo dhoofiyo, waxa ayna Sheekh Xasan Daahir ku Tilmaameen Nin aan hubeesneen oo waayeel ah mudana in loo naxariisto.
Afhayeenka odayaasha beelaha Hawiye nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa ku baaqay in si wanaagsan loola dhaqmo Shiikh Xasan Daahir Aweys oo hadda ku sugan degmada Cadaado ka dib markii uu ka soo baxsaday Xarakada Al-shabaab khilaaf soo kala dhex galay awgeed.
Axmed Diiriye ayaa sheegay in inkastoo Xasan Daahir uu ka tirsanaa Al-shabaab, uu haddana yahay nin oday da’ ah loona baahan yahay in loo taliyo loolana dhaqmo si naxariis leh oo bani aadamnimo ay ku jirto.
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo hada kamid ahaa Hogaamiyaasha sare ee Kooxda Al-Shabaab horeyna u ahaa Hogaamiyihii Xisbul Islaam ayaa lagu tabayanaa dagaalo uu huriyay in ay ku dhinteen dad ka badan Boqolaal qof oo Soomaali ah halka kumanaan kuna ay ku barakaceen Colaada uu Sheekh Xasan Daahir Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka uu ka huriyay.
Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin go’aankeeda ku aadan sida ay ka yeeleyso Hogaamiyaha Baxsadka ah ee katirsanaa Al-Shabaab Sheekh Xasan Daahir Aweys oo la qorsheenayo in laga dhoofiyo cadaado si uu qadar oo magan galyo siinaysa uu gaadho.
Warsugansomaliya@gmail.com
Sugulle mohamoud
Oslo, norway