Qarax miino dhulka lagu duugay oo lala beegsaday ciidamada AMISOM magalada baydhabo.

image

Baydhabo : W.S. Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa lagu waramayaa in goor dhaw oo maanta ah qarax lagula eegtay meel aan ka fogeyn Afar Irdoodka magaalada Baydhabo, waxaana la sheegay in qaraxa loo adeegsaday miino khasaare ka soo gaaray ciidamada AMISOM.

Wararku waxaa ay sheegayaan in hal askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM uu ku geeriyooday  qaraxa ka dhacay magaalada Kismaayo, iyadoo sidoo kalena ay ku dhaawacmeen lix qof oo kale oo shacab ahaa, kuwasoo la geeyay isbitaalka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

”Qaraxa markii uu dhacay goobta waa lagu kala cararay, ciidamada AMISOM waxaa ay bilaabeen in ay rasaas furaan, waxaana u soo gurmaday ciidamo kale oo ka tirsan AMISOM iyo kuwa maamulka,” ayuu yiri qof ku sugan magaalada Baydhabo.

Waxaa la sheegay in qaraxa kadib ciidamada maamulka gobolka Bay iyo kuwa midowgga Africa AMISOM howlgal ka bilaabeen agagaarka halka uu qaraxa ka dhacay, laakiin lama sheegin in ay qabteen dadkii qaraxa ka danbeeyay.

Warsugansomaliya.wordpress.com
Sugulle mohamoud abdi
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s