Madaxwaynaha somaliya oo maanta marlaabku baaqay in dagaalka la joojiyo cidamada kenyana ka codsaday inay dhex dagaalka ka noqdaan .

image

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale maanta ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalada ka socda magaalada Kismaayo, xilli dhinacyada dagaalamaya aanay u dhaga nugleyn baaqyada loo jeedinayo.

Isagoo ka hadlayay dagaalada ka soo cusboonaaday Kismaayo ayaa yiri “Waxaan mar kale ku baaqayaa in si sharuud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka soo cusboonaaday magaalada Kismaayo oo dhiig dambe oo Soomaaliyeed aan la daadin, Soomaalida wey ka soo daaleen collaado iyo dagaallo, xalna uma noqon karaan xasilinta dalka, nabad-ku wada noolaanshaha iyo horumarinta dhaqanka iyo dhaqaalaha dalka.

“Dowladdu dhowr jeer bey ku cel-celisay inaan loo baahneyn dagaal sokeeye iyo dhiig Soomaaliyeed oo macno daro ah ku daata. Dowladdu waxey wadaa qorshe dib-u-heshiisiineed oo xal waara loogu helayo arrimaha Kismaayo oo keenay collaado iyo dagaallo soo noq-noqday”ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dadkii ku geeriyooday dagaalada, isagoo alle ugu baryay inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, isla markaana samir iyo Iimaan ka siiyo eheladii ay ka geeriyoodeen.

“Dagaallada iyo collaadahu waxey keenaan kala fogaansho, waana sababta aan u dooneyno in si nabad ah oo dib-u-heshiisiineed xal waara loogu helo dhammaan arrimaha taagan. 22sano oo collaado, dagaallo, dagaal oogayaal, dano gaar ah iyo mid qabiil-ba waa nagu filan-yihiin mana rabno in wiil Soomaaliyeed uu si macno daro ah ku geeriyoodo. Dowladdu wey ka go’antahay in la sii wado dadaallada nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta”ayuu yiri.
Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Ciidamada AMISOM ee Kenya inay dhex dhexaad ka noqdaan kooxaha kala duwan ee ku dagaalamaya, isla markaana ay ka qeyb qaataan xabad joojinta.

“Dowladdu waxey kaloo ugu baaqeysaa Ciidamada AMISOM ee ku-sugan Kismaayo inay dhex-dhexaad ka noqdaan kooxaha kala duwan ee dagaaalamaya, isla markaana ay ka islaaxiyaan xabad-joojin oo ay ciidamada dagaalamaya kala dhexgalaan si looga hortago inay dagaaladdu sii socdaan, si fursad loo siiyo dib-u-heshiisiinta iyo wadahadallada. Waana in si deg-deg ah loogu gurmadaa gar-gaaridda dadka dhaawaca ah”ayuu mar kale yiri Madaxweynaha.

Dagaalada ka socda Kismaayo ayaa galay maalintii labaad, kaasoo u dhaxeeya dhinacyada isku heysta maamulka magaalada, kuwaasoo ka mid ah ilaa afar xubnood oo bishii la soo dhaafay Madaxweynayaal isku magacaabay.

Q. Sugulle mohamoud
Hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s