Faahfaahin dheerad ah oo kasoo baxeysa Dagaalka ka socda Kismaayo iyo halka ay kala joogan Ciiddamadda. (Warbixin).

image

Wararka ka imaanaya Magaaladda Kismaayo, ayaa sheegaya in Ciiddamadda Dowladda Kenya ee jooga Kismaayo Madaafiic ku garaaceen Goobo ay ku sugnaayen Ciiddamo daacad u ah Bare hiiraale.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciiddamada maamulka Jubbaland garabka Axmed Madoobe ay qabsadeen aagagga hotel Tawakal iyo Cascasey oo dagaalladu Xoogooda Maanta ay ka socdeen.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Barre Hiiraale ay iminka ku sugan yihiin aagga Hotel Cabdullaahi Shimbir ee ku dhow Xaafadda loo yaqaan Faanoole, ee Magaalladda Kismaayo , waxa ay sidoo kale Ciidamada Barre Hiiraale dib ula wareegeen aagag badan oo maanta laga qabsaday.

Waxaa weli socda Dagaalka iyadoona gudaha Magaalladda laga maqlaayo guuxa rasaasta waaweyn iyo tan yar yar, si dhab ahna looma sheegi karo Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka iminka ka socda Halkaasi.

Mid kamid ah Dadka ku dhaqan Xaafadda Faanoole ayaa shabakadda Allbanaadir.com u sheegay in Ciiddamada Kenya ee qeybta ka ah kuwa Kenya ee AMISOM ay madaafiic ku garaaceen goobo ay ku sugnaayeen Ciidamada taabacsan Barre Hiiraale oo inta badan ku sugan Xaafadaha Magaalada Kism,aayo

Dhanka kale, garabka Col. Barre Hiiraale ayaa iyaguna Hoobiyayaal ku garaacay goobo xarumo u ahaa Ciiddamadda Raaskambooni ee taabacsan Axmed Madoobe.

Maxamed Xasan Cali oo ku magac dheer Mr.Statesman oo ah Afhayeenka Col.Barre Hiiraale ayaa waxa uu warbaahinta u sheegay in Ciiddamadda Barre ay guulo la taaban karo ka gaareen Dagaalka, isagoona sheegay inay dileen Saraakiil Hoggaamineysa Ciiddamadda Raaskambooni ee kusugan Magaalada Kismaayo.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in Dagaalka uu sii socon doono inta ay ka xureenayaan Gabi ahaan Magaalladda Kismaayo waxa uu ugu yeeray Qaswadayaal uu kala jeeday Ciidamada Raaskanbooni uu Hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.

Xigasho allbanaadir.com

Q.Sugulle mohamoud
     hedmark. Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s