Diyaaradii xasan daahir aways lagaga soo qaaday caddaaddo oo soo gadhay muqdisho.

image

Waxaa Daqiiqado yar kahor Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kasoo dagtay Diyaarad gaar ah oo kasoo qaaday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado ee Maamulka Ximin iyo Xeeb.

Diyaarada hada soo dagtay ee wada Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sidoo kale waxaa la socda Madaxweynaha Ximin iyo Xeeb iyo xubmo Xildhibaano iyo Saraakiil dhawaan Cadaado u tagay sidii ay Sheekh Xasan Daahir Aweys ugu qancin lahaayeen in Muqdisho laga soo dajiyo iskuna dhiibo Dowlada Soomaaliya.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa hada ah mid mashquul ah waxaana kusugan Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya kuwaa oo doonaya in ay la wareegaan Sheekh Xasan Daahir Aweys loona geeyo goob amaan ah inta arintiisa Dowlada go’aan ka gaareyso.

Ciidamada Gaashaan oo ah ciidamada Gaarka ee Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaana garoonka Diyaaradah Aadan Cadde kusugan kuwaa oo loo badinayo in ay la wareegi Doonaan amaanka Sheekh Xasan Daahir Aweys oo kasoo baxday Kooxdii Al-Shabaab uu in mudo ah katirsanaa kana qeyb qaadanayay Dagaaladii Dowlada looga soo horjeeday.

Wariyaal tiro badan ayaa dhooban afaafka hore ee garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kuwaa oo doonayay in ay sawiro iyo Muuqaalo masoo qaadaan Sheekh Xasan Daahir Aweys balse loo diiday in ay gudaha u galaan Garoonka War iyo Sawirana uga soo qaadaan Wadaadka baxsadka ah.

Waxaan wali si rasmi ah loo ogeyn halka ay ku dambeyn doonto Xaalada Sheekh Xasan Daahir Aweys oo kamid ahaa Hogaamiyaasha Ururka Al-Shabaab oo Xubin ka ah Urur Weynaha Al-Qaacida oo ku jira Liiska waxa loogu yeero Argagaxisada Calamiga, waxa uu sidoo kale Wadaadka kamid ahaa rag horey loogu daray Liiska Shaqsiyaadka Argagaxisada h.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Warsugansomaliya@gmail.com
Q.Sugulle mohamoud
Hermark. Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s