Dawladda somaliya oo si kulul ula hadashay labada dhinac ee ku dagalamay muqdisho kuna wargalisay in joojiyaan dagaalka.

image

Dawladda Somalia ayaa waxa ay ka hadashay Dagaalka iminka ka socda Magaalladda Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose.

Ridwaan Xaaji Cabdi Wali, Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya oo gowr dhow la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Dowladda ay aad uga xun tahay Dagaalka shalay ilaa iyo maanta ka socda Magaalladda Kismaayo.

Ridwaan Xaaji Cabdi Wali, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu markale ku baaqayo in la joojiyo dagaalka kasoo Cusboonaaday Kismaayo, wuxuuna sheegay Afhayeenka in Dagaalka uu gaaray meel qaraaran.

Wuxuu sheegay in marxalada hada la joogo aysan wanaagsaneyn in lagu dagaalamo Magaalada Kismaayo,dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Kismaayana laga rabo inay joojiyaan dagaalka.

Ridwaan Xaaji Cabdi Wali, ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda ay aad uga walaacsan tahay qaabka uu u socdo Dagaalka waxa uuna Afhayeenka sheegay in Ra’isul wasaaraha amray in bilaa shuruud lagu joojiyo Dagaalka lasii hurinaayo.

Ridwaan Xaaji Cabdi waxa uu sheegay in Xukuumadda Somalia ay go’aano deg deg ah kasoo saari doonto Dagaalka Kismaayo ka socda isagoona Tilmaamay in Ujeedka dagaalka uu yahay in lagu xasuuqo Shacbiga masaakinta ah ee magaladda ku dhaqan.

Xigasho allbanaadir.com
Q.Sugulle Mohamoud
hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s