Codsi Madaxweynuhu uu baarlamaanka u diray oo buuq fara badan dhaliyay iyo arinta oo meel xaasaasi ah mareysa.

image

Madaxweynaha dowlada Federal-ka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu baarlamaanka Soomaaliya ka codsaday in kal-fadhiga labaad ee baarlamaanka oo geba geba ah maraya lagu daro bil dheeraad ah xilliga uu sii shaqeynayo kahor inta uusan fasaxa gelin, si loo guto waajibaad muhiim ah oo u baahan in wax laga qabto.

Codsigaasi madaxweynaha kasoo baxay ayaa waxaa baarlamaanka hor-geeyay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, maxamed Cusmaan jawaari, iyada oo si aad ah loogu kala fikir duwanaaday, inkasta oo gudoonku uu si rami ah ugu dhawaaqay in sharciga hadii la tix-raacayo ay tahay in kal-fadhiga la xiro kadibna la furo kal-fadhi aan caadi aheyn si bisha uu madaxweynhu codsaday loo sii shaqeeyo.

Mudanaayasha baarlamaanka ayaa intooda badan waxa ay ku doodayaan in kal-dhafidhiga la xiro kadibna fasax la galo oo aan shaqo leesugu soo laaban inta laga gaarayo kal-fadhiga sedaxaad ee baarlamaanka iyaga oo u sababeynaya inay waqti badan soo shqeynayeen ayna u baahanyihiin nasiino.

Kulankii maanta ay baarlamaanku yeesheen oo looga hadlayay codsiga madxweynaha iyo sida laga yeelayo ayaa waxa uu ku soo idlaaday natiijjo la’aan iyada oo lagu balamay in maalinta berri ah oo ah maalinta uu xirmi lahaa baarlamaanku leesugu soo laabto si arinta natiijada u danbaysa looga gaadho.

Mudanaayaasha qaarkood oo aan la hadalnay ayaa waxa ay reja xumo ka muujiyeen in kal-fadhga la xiro kal-fadhi aan caadi aheynna lagu dhawaaqo iyaga oo sheegay in arintaasi aysan aheyn mid suura gelli karta sababo laxariira in xildhibaanada qaar ay safar iyo nasiino aadayaan marka la xiro kal-fadhiga qasabna aan loogu laheyn in ay u joogaan kal-fadhi aan caadi aheyn.

Arintaan soo cusboonaatay ee ah codsiga madaxweynaha ka yimid ayaa waxa uu muujinayaa in arintu tahay laba daran mid dooro maadaama ay baarlamaanka hor taallo caqabad ah in fasaxoodii ay geli lahaayeen ay ka baaqsadaan muda bil ah ama ay iska diidaan codsiga madaxweynaha oo safaxooda ay ku dhiiradaan.

Xigasho allbanaadir.com

Q.Sugulle Mohamoud
  hedmark.Norway

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s