Weerar caawa lagu qaaday Xarun Qaadka lagu iibiyo ee suuqa bakaraha qasaara badan dhaliyay.

Bam-Gacmeed

Weerar loo adeegsaday Banbada Gacanta laga Tuuro ayaa in yar ka hor waxaa lala eegtay xarun Qaadka lagu iibiyo oo ku taalla Isgoyska Bakaaraha ee gobalka Banaadir halkaasi oo la sheegay in ay ka dhasheen qasaaro dhaawac u badan.

Dad ka ag dhawaa halka wax ka dheceen ayaa waxa ay soo tabiyeen in shan ruux oo mid ka mid ah uu yahay askari ciidamada amaanka ka tirsan ay ku dhaawcmeen weerarka oo ilaa hada aan la garan cida fulisay.

Dadka kale ee dhaawacmay ayaa la sheegay in ay isugu jiraan haweenka qaadka iibiya iyo caruur yar yar oo iyana garaabada iyo Bacaha qaadka lagu xanaaneesto iibiya iyada oo qaarkood la sheegay in xaaladoodu ay aad u liidato.

weerarka banbada loo adeegsay ayaa waxa ka danbeeyay rasaas ay inta badan kor u ridayeen ciidamaddii weerarka lala bar-tilmaameedsanayay ee mid kamid ah uu dhaawacu soo gaaray, waxaana dhamaan qolyihi ku dhawacmay goobta loola carary xarumaha caafimadka ee magaalada Muqdisho.

Ma jito cid shegatay masuuliyada weerarka hasa yeeshee waxaa ku caan baxay weeerarada nuucaan oo kale ah Kooxda Al-qaacida xariirka la leh ee Al-shabaab kuwaas oo dagaal xoogan kala soo hor-jeeda dowlada Soomaaliya iyo ciidamada Shisheeye ee dalka ku sugan.

Habayntii Sugulle mohamoud

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s