War Deg Deg Ah Mid kamid ah Wariyaasha Magaalada Muqdisho oo Maanta geeriyooday kadib markii Badda ee liqday

breaking-news-(10)

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ku geeriyooday mid kamid ah Wariyaasha ka howl gala Magaalada Muqdisho kadib markii ee liqday Badda xili uu halkaasi dabaal u tagay Wariyaha.

Allaha u naxariistee Wariyaha dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Maxamed Ismaaciil (Xasan Kuuriya) waxa uuna inta badan Wararka ku qori jiray Websetyada Afka Soomaaliga ku hadla waxa uu sidoo kale kasoo shaqeeyay Tv-ga Idaacada Shabelle.

Wariye Cabdi Maxamed Ismaaciil (Cabdi Cuud) oo walaal la ahaa wariyaha maanta geeriyooday ayaa sheegay in 2-dii duhurnimo uu Xasan ka tagay Xaafada si uu uga soo dabaasho Xeebta Liido uu inta badan Jimcihii aadi jiray balse qadartu ku haleeshay uuna ku geeriyooday maanta .

Cabdi Cuud ayaa intaa ku daray in Wariye Xasan Kuuriya isaga oo aad u liita loola soo caray isbitaal balse markii dambe uu geeriyooday isla caawana lagu aasay Qabuuro ku yaala Magaalada Muqdisho , waxa uuna xusay in uu ifka uga tagay Xaas iyo labo Caruur ah.

Waa wariyihii ugu horeeyay ee ku geeriyooda Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho iyadoona marar kala duwan ee xeebta liido ku geeriyoodeen dad kala duwan kuwaa oo halkaas u tagay in ee badda ku dabaashaan.

Habayntii Wariye sugulle Mohamoud

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s