Nin Soomaali ah oo saddex qof ku diley magaalada St. Louis ee Dalka Maraykanka – Sawiro + Video

 

29906170001_2478077729001_thumb-c478d628ea83b013340f4a50470081cf_rx307_c540x304

Muran ka dhashey xarun caafimaad oo ku taala St. Louis ayaa sababtey dhimashada afar qof oo asalkoodu ka soo jeedo Soomaali, kadib markii ninkii iska lahaa xaruntaas muran dhexmaray isaga iyo shaqaalihii waxaana uu diley nin iyo laba gabdhood oo la aaminsan yahay in ay goobta shaqaale ka ahaayeen.

Dilka ayaa ka dhacay AK Home Health Care LLC, Ninka dilka gesytey ayaa ugu horeyntii diley nin kale, kadibna waxaa uu diley laba gabdhood, waxaana uu ku soo jeestey naftiisi oo waxa uu isku dhuftey xabbad uu u dhintey. Sidaas waxaa warbaahinta u sheegey Michael Sack oo ka tirsan Booliska ST.LOUIS.

Masuuliyiinta St.Louis ayaa sheegaya in ninka dilka geystey uu ahaa ninkii iska lahaa Xarunta caafimaadka, ama uu ahaa mulkiilihii hore oo laga gatey, halka saddexda qof oo kale ay ahaayeen shaqaale, Boolisku weli ma shaacin magacyada dadka dhintey.

Michael Sack oo ah sarkaal ka tirsan Booliska ayaa sheegaya in aysan garanayn falkaan waxa uu la xiriiro weli. meher kale oo ganacsi oo ku dhaweyd xarunta caafimaadka ayaa laga maqley rasaasta kadibna waxa ay u yeereen Booliska. Boolisku waxay weli wadaan baaritaan, waxayna hayaan qorigii dilka loo isticmaaley.

Falkan ayaa noqonaya mid naxdin ku ah dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa degan dalka Maraykanka. Dalka Maraykanka waxaa ku badan dadka inta ay dad kale laayaan kadibna iyagu is dila.

St. Louis ayaa ah magaalo madaxbanaan oo ka tirsan Gobolka Missouri ee dalka Maraykanka.

halkan ka dawo

habayntii Wariye sugulle mohamoud abdihabsade

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s