Rabshado ka dhashay Nin la dilay oo ka taagan magaalada Jowhar

jowhar-cadeey5

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ayaa ku waramaya in halkaas ay maanta ka taagan tahay Rabshad ay sameynayaan shacabka ku dhaqan magaaladaas,rabshadaha ayaa yimi kadib markii  xalay ay koox hubaysan ku toogteen   xaafada Hosreed ee magaaladaas ruux ka mid ahaa dadka deegaanka.

Masuuliyiinta maamulka gobolkaas,maamulka degmada iyo saraakiisha ciidanka booliska ayaa saaka gaaray goobta uu dilku ka dhacay,ciidamada ayaa saaka xaafadda Horseed ka sameeyey hawlgallo ay ku baadi doonayeen dadkii ka danbeeyey dilkaas.

Shacabka ku dhaqan xaagfada Horseed ayaa maanta rabshado ,waxaana la tilmaamayaa iney irdaha u laabeen goobaha ganacsiga isla markaane ay gaadiidka dhagxaan ku tuurayaan taasoo hakad galisay ganacsiga iyo siu socodka xaafadda Horseed.

Dadka ayaa dalbanaya in lasoo xiro dad ay ku tuhunsan yihiin iney ka danbeeyeen dilka xalay qofka rayidka ah loo geystay,dadkan caraysan ayaa lasoo sheegayaa iney hab wadaagaan ruuxa xalay la dilay,arintan ayaa salka ku haysa aanooyin qabiil oo maalmihii danbe ka taagnaa halkaa.

Masuuliyiinta maamulka gobolka Shabeelaha hoose iyo ka degmada Jowhar ayaa dadaal ugu jiray qaboojinta xiisadda ka taagan magaalada Jowhar,waxaana lasoo sheegayaa in arintani ay daba socoto dhacdooyin la xiriira aanooyin qabiil oo si isdaba joog ah uga dhacayey Tuulooyinka hoos yimaada magaalada Jowhar kuwaas oo u dhexeeya laba beelood oo walaalo ah.

Q.sugulle

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s