QISO CAJIIB AH. TOWBADII WIILKII HOOYADIISA CAASIYAY KANA RAACAY XAASKISA JABKIISA UUN KULA JOOGTAY.

MOM

Wuxuu hadal ku bilaabay wiilkani: Allow ii dambi dhaaf dambiga aan hooyaday ka galay. Aabahay wuxuu dhintay aniga oo yar hooyaday baa isoo korisay oo la rafaaday koriimadeyda,aniga keligeeybeey caruur iga haysatay. Waxay i gelisay iskuul si aan cilmi u yeesho, kadib markaan weynaadayna waxay ii dirtay jaamacad wadamada galbeedka ah. Markaan sii baxayay beey ila dardaarantay oo ay i tiri wiilkeeygiiyoow ha i ilaawin, xiriirkana ha gooyn. Mudo ka dib markaan jaamacadayda soo dhamaystay baan wadankeygii kusoo laabtay. Waxaana aan lasoo laabtay dabeecad qalafsan oo aan raxmad lahayn, waxaan noqday mid un oo ka dambeeyo nolosha aduunka iyo qayaaligeeda. Waxaan helay shaqo aad u heeersareeysa, kadibna waxaan bilaabay inaan raadiyo mid aan nolosha la wadaago. Hooyaday baa ii tilmaantay gabar dhowrsan oo diin leh, laakiin waan ka diiday oo waxaan rabay Gabar Xadaarada (ilbaxnimada) la socota oo Quruxna leh. Waxaan Guursaday gabar noocaan doon doonayay ah. Lix bilood markaan is qabno bey Xaaskeeygii Biloowday inay Hooyaday Caaydo ayna Karaahsato, taasina waxay keentay inaan Anigana Hooyadeeydii Karahsado maadaama ay marwalbo Xaaskeyga isku Xun yihiin. Maalin maalmaha ka mid ah baan imid Xaaskeeyga oo Ooyneeysa, markaan weydiiyay waxey la Ooyneeyso waxay tiri:- Ma u Adkeeysan karo ama Hooyadaa raac ama Aniga. Waan Xanaaqay oo aan Hooyaday baan ku iri:- Iiga bax Gurigeeyga. Wey Ooyday waxayna tiri markay sii baxaysay bey i tiri:- Wiilkeygiiyoow Alle hakuu Gargaaro. Saacado kadib markii uu Xanaaqii iga Dagay baan Raadiyay laakiin waan waayay, kadibna Gurigeeygii baan Isaga soo laabtay. Xaaskeeygii baa isku deyday inay i Hilmaansiiso Hooyadeydii Qaaliga ahayd, anigana Caqli yaradeydii sidii baan ku ilaaway oo maan Daydeyin. Sidaa buuna Xiriirkiina ku kala Go’ay. Waxaa ka soo Wareegatay mudo waan Xanuunsaday jiro Xun oo aan Isbitaal lagalo. Hooyaday baa Ogaatay inaan Isbitaal galay, wey i soo Booqatay laakiin inteeysan ii soo gelin baa Xaaskeygii Albaabka ka celisay oo ku tiri:- ku noqo meeshaad ka timid. Hooyadeyna sidii bey ku laabatay. Isbitaalkii baan kasoo baxay Xaalad Nafsi ahna waan u Xanuunsaday. Shaqadeydii baa la iga Taqalusay, Deymo badan baa la igu yeeshay, gurigeygii baa la igala tagay. Intaasina waa Xaaskeeygii oo wax walba dooneysa. Markaan ku soo baxay Nin Xanuunsan oo aan Shilin haysan bey Xaaskeygii Quruxda lahayd i tiri:- maadaama aad Shaqo la’aan noqotay, wax Maal ahna aadan haysan, Mujtamacana aadan meel ku lahayn, hadaba ku doonimaaye iska key Fur. Madaxii baa i Weeynaaday, Naagtii aan Hooyaday ka doortay sidaa bey Maanta ii gashay. Waan Furay, kadibna Mugdigii aan ku jiray iyo Hurdadii baan ka Toosay. Ka dib waxaan Doon doonay Hooyaday waan helay, inteesa ka helay. Waxaan arkay Hooyaday oo ku nool Sadaqada la siiyo. Waan u soo galay markay i Aragtay bey Ilmeesay, Anigana Lugaheedii baan Qabsaday oo aan la dhacay Oohin, labadeeniiba waxaan isla qabsanay Oohin. Waxaan Xaaladaa ku Sugneyn mudo Saacad ah. Waan ka soo waday meesha ay Joogtay oo aan keenay Halkii aan deganaa. Maalintii wixii ka Dambeeyayna Hooyadeey ma Caasin oo waxaan u noqday Baari Adeeca, iyo mid ku Toosan Alle Awaamirtiisa. Haddana waxa aan ku Noolahay Nolol Raaxo leh iyo Hooyo macaan, Alle Dambigeeda ha Dhaafe, Allena Caafimaad ha ii siiyee.

(ILAAHOOW HOOYO U NAXARIISO, ADDUUN & AAKHIROBA, YA RABBI).

Q.WARIYR SUGULLE

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s