Madaxda ugu sareysa Dowlada Federaalka Soomaaliya oo Maanta Muqdisho lagu talaalay(Daawo Sawirada)

madaxda dawladda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)ayaa maanta u horseeday shacabka Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan fursadda tallaalka Dabeysha oo ay iyaga isku hor-tallaaleen warbaahinta horteeda.

y yy t - Kopi cmc - Kopi

Munaasabad ay soo diyaariyeen Wasaaradda Arrimaha Bulshada ayaa maanta lagu qabtay Madaxtooyada oo lagu xoojinayo muhiimadda tallaalka Dabeysha oo Soomaaliya ay ka mid noqotay 4ta waddan ee Adduunka laga helay cudurka dilaaga ah ee Dabeysha.

Wasiiradda Arrimaha Bulshada Marwo Maryam Qaasim oo ka hadashay munaasabadda ayaa sheegtey in 2007 laga cirib tiray cudurkan dilaaga ah Soomaaliya, ha yeeshee la arkay dad Soomaaliyeed oo uu cudurkan ku dhacay.

tt - Kopi

Waxeyna ku celcelisay muhiimadda tallaalka oo ka hortag u noqonaya cudurkan halista ah oo naafeeya shaqsiga uu ku dhaco. Waxey sheegtey in cudurkan uu carruurta ku dhici jirey, laakin la helay 13jir uu ku dhacay oo keentay in dhammaan dadka waaweyn ay iyagana iska tallaalaan cudurkan halista ah.

Wasiiraddu waxey sheegtey in cudurkan laga tallaalay 600,000 tan iyo bishii May, haddana la rajeynayo in 6da maalmood ee soo socota la tallaalo 4 million Soomaali ah.

Madaxdii ka hadashay goobta ayaa waxaa ka mid ahaa wakiil ka socday Qaramada Midoobey, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo dhammaantood ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay fursadan ka faa’iideystaan.

kk - Kopi tallaal_1 gg - Kopi

Madaxweynaha ayaa yir “Aniga ayaa bilaabaya tallaalka si aan shacabka u tusno in tallaalku uu faa’iido yahay oo aan wax dhib ah keeneynin isla markaana badbaadin kara in cudurka halista ah ee Dabeesha ay ku dhacdo qofka. Cudurkan halista ah ee Dabeesha ka hortag buu leeyahay oo ma laha daawo, tallaalkii aan uga hortagi laheyna waa naloo keenay ee aan u midowno inaan is wada tallaalno, ugana mahadcelino beesha caalamka iyo QM oo noo keenay tallaalkii ka hortagga cudurka Dabeesha.”

X.allbanaadir.com

habayntii Sugulle mohamoud

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s