FAAH FAAHIN: Qarax Maanta lala eegtay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka G/Banaadir

qarax8

Qaraxan oo ahaa Nuuca Remot-ka laga haga ayaa waxa lagula eegtay Xaafada Gubta Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir waxana ku dhinta 2-askari mid kalana waa uu ku dhaawacmay kuwaasi oo ka mid ahaa Ilaalada Guddoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir Cali Axmed Guure.

Masuuliyiintan oo ay qeyb ka ahaayeen Goddoomiyaasha Degmooyinka Dayniile iyo Wartanabada iyo Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xiliga qaraxa lala eegnayey waxay kormeer ku wadeen Howlo wado furid iyo Nadaafad isagu jira oo ka socoda Degmooyinkaasi.

Qaraxa ka dib waxa Shir Jaraa’id Saxaafada u qabtay Guddoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir Cali Axmed Guuri waxana uu sheegay in uu Allah ka bad baadiyey qaraxaasi oo lala eegtay Gaarigii uu waday ayna Wax ku noqdeen Askar ka mid ah ilaaladiisa kuwa kalana ay ku dhinteen.

“Qaraxa waxa lagu aasay dhulka wadada dhexdeeda Qudrada Radbi Gaariga ayaa ku dul istaagay laakiin Taayarka ma saarin Dad aan ogoleyn Nolosha Dadka Muslimiinta ah ayaa aasay kadibna Remote-ka ayey taabteen Sidaas ayaa gaarigii ku bur buray Askartiina ku dhimatay Laakiin Masuuliyiintii Allah ayaa ka badbaadiyey”

Askartii ku dhaawacmay Qaraxa waxa lagaarsiiyey mid ka mid ah isbitalada Magaalada Muqdisho halkaasi oo xaaladooda Caafimaad lagu baxnaaninayo Waloow ay ku jiraan qaar ay xaaladoodu aad u liidato.

halkan ka dhagayso hadalkii gudoomiyaha

http://horufadhi.com/dhagayso-136/

habayntii Sugulle mohamoud abdi

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s