Prof Axmed Ismail Samater oo weli ku taagan Mabda’a Somaliweyn iyo Maamulka Somaliland oo aan go’aan kasoo saarin.

Wararka laga helaayo Magaallada Hargeysa ee Maamulka Somaliland, ayaa sheegaya in Maamulka Somaliland uu weli ku guuleysan la yahay sidii Prof Axmed Ismail Samater uga saari la haayeen Mabda’a Soomaaliweyn.

Maamulka Somaliland ayaa ku hungaway soo dhawayntii meeqaamka sare ahayd ee ay ku so dhawaysay Prof Samatar iyadoo Prof Samatar aanu wali ka noqon Mabdi’iisii Somaliwayn wuxuuna ka gaws adaygayaa inuu Cadeeyo mawqifkiisa gooni isutaaga Somaliland iyo inuu cadeeyo in Somaliland tahay dal Madaxbanaan oo ka go’ay Somaliya ilaa hada lagama haayo afka Axmed Samatar kalmadahan.

Maamulka Somaliland ayaa waxa ay ka yaaban yihiin qaab dhaqameedka Axmed Ismail Samatar, waxa ayna garwaaqsan yihiin in Proffisorku haysto mabdi’iisii somaliwayn islamrkaana lama dhihi karo Profisorku wuxuu ka noqday Mabdi’iisii Somaliwayn marhadaan laga hayn kalmadaha aynu kor ku soo xusnay.

Ujeedka Somaliland ay u marti galisay Samater ayaa waxa uu ahaa in laga dhaadhacsiiyo Fakirka ah Somliland, balse waxaan weli dhicin inuu carabka ku dhufto Gooni isu taaga ay sheegayaan Maamulka Somaliland.

Hadaba Madaxda Maamulka Somaliland ayaa lagu dhursugayaa inay si degdeg ah uga hadlaan arintan iyado loo baahanyahay in hadii aanu Axmed samatar ka noqon mabdi;iisii dalka laga saaro marhadii aanu aaminsanayn jiritaanka iyo madaxbanaanida somaliland

Q.sugulle mohamoud abdi

Advertisements

One thought on “Prof Axmed Ismail Samater oo weli ku taagan Mabda’a Somaliweyn iyo Maamulka Somaliland oo aan go’aan kasoo saarin.

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s