Dawalada somaliya oo ku gacansaydhay inay amuuraha jubooyinka ay kala hadasho faroole iyo maamulka puntland.

Habartaa faroole

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay in aaney marnaba kala hadlayn madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland wax ku saabsan arimaha gobolada Jubooyinka.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan “Yariisoow” oo la hadlayey radio Muqdisho ayaa ka jawaabay su’aal ku saabsaneyd in madaxweynuhu uu Cabdiraxmaan Faroole kala hadlayo arimaha Jubooyinka waxaana uu yiri “Puntland waa maamul goboleed ka tirsan Soomaaliya madaxweynaha Puntland mas’uul kama ahan arrimaha Jubbooyinka dowladda ayaana mas’uul ka ah Jubbooyinka waxa ayna iclaamisay shir looga hadlayo maamul u sameynta Jubboyinka ee madaxweynaha waxa uu Faroole kala hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka Puntland”.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya xili dhowaan uu sheegay Faroole inuu dhex dhexaadinayo dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe uu kaga dhawaaqay Kismaayo, waxaana talaabadani ay noqoneysa mid dowladda federaalka ahi ay ku muujineyso doorkeeda hogaamineed ee dalka.

Q\sugulle mohamoud abdi athans \greece

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s