TVga Caalamiga ah ee Itv oo Soo Booqday Maqaayadda Soomaalida ee Xaafadda Woolwich (Daawo Sawirada)

Galibnimaddii maanta ayaa waxaa Maqaayadda Somaalida ee Lagu Magacaabo Flash Café’ Xaafadda Woolwich ee Magaaladda Londn soo booqdey TVga Caalamiga ah ee ITV kaasoo uu hormood u ahaa Wariyaha Somaliyeed ee caanka ah Raage Omaar wuxuuna xoog wareysi ka qaadey Somalida ku dhaqan Xaafadda Woolwich ee Koonfur Bari ee Magaalada London.

Guudoomiha Somalidda ee Xaafadda Woolwich Mudane Cabdala Sulaymaan Abdala Defle
ayaa ka war bixiyey Dacdadii Foosha xumeyd ee ka dhacdey Shalay Xaafadda Woolwich ee Koonfur Bari ee Magaalada London iyo Saameyntii ay ku yeelatey Soomaalida Dagan Xaafadas wuxuuna yiri:

‘Dhacdadaan Waxaay nagalisay cabsi weyn, waayo Nimankii falka geystey waxay ahaa yeen Madow hadana waxaa lagu shaabadeeyey iney ahaayeen Muslim Dhamaanteen Waynu nahay Muslim sidaa daraaddeed waxaanu ka baqeynaa inaanu noqono Target ama bartilmaameed’

Mr Defle ayaa hadalkiisa Sii Raacsiiyay ‘Waxa kale oo uu intaa ku dareyaa Annagoo ka xun falkaas foosha xun oonan u aamin saneyn in nimankaasi in ay ahaayeen dad Muslin ah haddana in Media-yaha uu la xidhiidhiyo Mislimiinta

Sidoo kale Kooxaha cunsuriyiinta dalka Ingiriiska ee ku caan baxay muslim naceebka ee loo yaqaan English Defence League (EDL) ayaa waxaa la sheegay inay weeraro isdaba joog ah ay ku qaadeen qaar ka mid ah masaajida ku yaala meelo u dhow hallka uu ka dhacay falkii waxashnimada ahaa ee ay dad sheeganaayo inay yihiin muslimiin ay ku dileen mid ka mid ah ciidamada Milatariga ee dalka Ingiriiska

Ka dib falkaas lagu dilay ninkaas ayaa waxaa goobtaas soo gaarey qaar ka mid ah qolooyinkaas cunsuriyiinta ah oo ay ka muuqato caro weyn iyagoona weerar ku qaaday masaajida ku yaala xaafadaha ay ka mid yihiin Braintree oo ku taal Essex iyo Gillingham oo ka tirsan Kent ayaa dhamaantood ay weerareen cunsuriyiintaas muslimka neceb iyagoona halkaas ku tuuraayey dhagxaan waaweyn iyo dhalooyin ay ku jiraan waxyaabaha qarxo.

daawo sawirada.

warasyi_soomalai_woolwich_8 warasyi_soomalai_woolwich_9 warasyi_soomalai_woolwich_7 warasyi_soomalai_woolwich_4 warasyi_soomalai_woolwich_3 saxafadda_uk_2

 

warsugansomaliya.wordpress.com

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s