dhacdo argagax leh oo ka dhacday wadanka Britain caasimadiisa london.

article-2329089-19F15F54000005DC-377_634x436

Waxa Magaalada London Maanta ka dhacay dil laga argagaxay oo niman ku hubaysan faashaash ay ku dileen askari booliska Britain ka tirsan, kuwaas oo sida ay boolisku sheegeen mid ka mid ah toogasho lagu dhaawacay oo la qabtay.

Dad goob joog ahaa oo ku sugnaa degaankaa koonfurta bari ee magaalada London ee loogu yeedho, Woolwich ayaa la argagaxay, markii ay arkeen nimankan oo gacmahooda dhiigu ka tiflaynayo oo ku dhawaaqaya erayo kala duwan.

Saraakiil ka tirsan booliska dalka Ingiriiska ayaa sheegay in mid ka mid ah labada nin ay dhaawaceen ka dibna gacanta ku dhigeen, waxaanu sarkaal u hadlay boolisku ku tilmaamay dhacdadan mid argagixiso oo lagu soo qaaday dalkaas.

Raysal wasaaraha dalka Britain David Cameron ayaa isna baajiyay socdaal gaaban oo uu ku tagi lahaa, caasimadda dalka Faransiiska ee Paris, waxaanay dhacdadani noqotay mid si wayn looga wada argagaxay inkasta oo aanay wali kala cadayn waxa jira dad goob joog ah oo sheegaya in nimankaas oo dhalinyaro midabkoodu madow yahay, ay ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid ahaayeen, (Allaahu Akbar) oo afka carabiga ah.

Si dhacdadaas aad wax badan uga ogaato daawo sawirada iyo fidiyowyada goobjoogayaasha iyo warfidiyeenadu ka duubeen intii ficilkaas argagixisada ahi socday.

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s