OP NEWS: Mareykanka oo beegsanaya saldhigyada Ururka Al-Shabaab (Akhir)

maraykan1

Kaaliyaha xoghaya difaaca Mareynkanka Michael Sheehan ayaa Golaha Senateka Mareynkanka u sheegay in la dagaalanka Al-Qaa’idada caalamka ay tahay mid dani ugu jirta Mareynkanka iyo xasiloonideeda,isagoona shaaciyay in Mareynkanka wax ka badan 15 ilaa iyo 20-sano uu la dagaalamayay Ururweynaha Al-Qaa’ida.

Wuxuu sheegay  Michael Sheehan,in Meel waliba ay joogaan ay ku beegsan doonaan,wuxuu si gaar ah u xusay Kaaliyaha xoghaya difaaca Mareynkanka Michael Sheehan ururka Al-shabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.

“Ciidamada Malitariga Mareynkanka waxay beegsan doonaan meel waliba ay ku dhuumaaleysanayaan Ururka la Mideysan Al-Qaa’ida ee Al-shabaab,haa wan ognahay inay galayaan dhulalka howdka Laakiin arintaasi mar hore ayaa la gaashaantay”sidaasi waxaa sheegay Kaaliyaha xoghaya difaaca Mareynkanka Michael Sheehan.

Mr Michael Sheehan ayaa hoosta ka xariiqay in Mareynkanka uu mar hore qorsheeyay in Al-shabaab lagala dagaalamo dhulka iyo cirka,inkastoo Mareynkanka uu adkeeyay duqeynta goobaha ku xoogan yihiin xoogagaasi.

Mas’uulkaan ayaa ururka Al-shabaab ku tilmaamay kuwo Qatar ku ah amaanka guud ahaan dalka Soomaaliya iyo gobolada kale ee dalka ku yaala,isagoona dowladaha dariska fariin u diray oo ku aadan inay feejignaan dheeri ah galaan oo ku aadan xajinta amaankooda.

Dowlada Mareynkanka ayaa wadamo badan oo ay ka jiraan Ururada la mideysan Al-Qaa’ida waxay ka gesytaan duqeymaha diyaaradaha aan cidi kaxeynin ee Loo yaqaano Droneska.

warsugansomaliya@gmail.com

Q/Sugulle mohamoud

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s