War Deg Deg Ah : Madaxweynihii Sadaxaad ee yeeshaan Dadka Deegaanka Gobolada Jubooyinka oo soo shaac baxay

kismaayo1

Ex- Xildhibaan Cumar Buraale Axmed oo ah Siyaasi kasoo jeeda Gobolada Jubooyinka ayaa shaaca ka qaaday in uu yahay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Waamo State maalintii shalayna lagu doortay Magaalada Kismaayo.

Cumar Buraale ayaa sheegay in Shir in mudo ah kasocday Magaalada Kismaayo ayna ka qeyb galayeen qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo siyaasiyiinta Gobolada Jubooyinkii ugu dambeyn maalintii shalay loo doortay in uu Noqdo Madaxweynaha Waamo State.

Waxa uu sheegay Ex- Xildhibaan Cumar Buraale Axmed in ee doorteen Ergo ka kooban ilaa 786-oo ka kooban qeybaha kala duwan ee Bulshdaa Jubooyinka gaar ahaan Odayaasha dhaqanka iyo Siyaasiyiin , waxa uuna xusay in maalmaha soo aadan uu soo dhisi doono Madaxweyne Kuxigeenkiisa iyo qeybaha kale ee Maamulkiisa ka koobnaan doono.

Siyaasigan ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay doorashooyin kale oo shalay ka dhacay Magaalada Kismaayo ee lagu doortay Madaxweynaha Jubaland State waxa uuna xusay in uu yahay mdaxaweynaha Rasmiga isaga uuna matalayo Deegaanada Waamo State wax Jubaland la yiraahdana eesan jirin sida uu xusay Mr Buraale.

Warar kale aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in halkaasi kasocdaan kulamo kale oo iyana laga yaabo in ee soo baxaan rag kale oo iyana sheeganaya in ee yihiin Madaxweynaha Jubaland soo if baxaan.

Shalay ayey aheed markii Magaalada Kismaayo Siyaabo kala duwan doorsahooyin uga dhacay Madaxweynayaal loogu doortay Sheekh Axmed Madoobe iyo Col.Barre Aadan Shire , labada Nina uu mid kasta uu sheeganayo in uu yahay Madaxweynaha Jubaland State.

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s