Shacabka oo ka cabanaya isbaaroyinka Ciidamada dowlada ee wadada Afgooye

isbaaro

Waxaa maalintii labaad hakad ku jiray gaadiidka shacabka ee ka dhex shaqeeya magaalada Muqdisho iyo magaalada Afgooye ee gobalka Shabeelada Hoose.

Wadayaasha Gaadiidka shacabka ayaa bilaabay inay hakiyaan hawlahooda kadib markii ay kusoo bateen wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye isbaarooyinka ay dhiganayaan qaar kamid ah ciidamada dowlada federaalka ee ku sugan nawaaxiga ceelasha biyaha.

In ka badan 15 isbaaro ayaa la sheegay inay yaaliin wadada Muqdisho iyo Afgooye u dhaxeysa kuwaasi oo ay askarta gaadiidka uga qaadaan lacag badan oo ay ugu yartahay 50.000 oo shilling Soomaali ah, taasi oo culeys weyn ku noqotay gaadiidleyda oo sheegay in rasaas loogu hanjabo hadii ay bixin waayaan lacagahaasi.

Taliska ciidamada Militariga ee Dowlada Federaalka ayaa shalay (Arbaca) shaaciyey inay hawlgalo wadaan isla markaana u qabtay ciidamada isbaarooyinka dhigtay 48 saac inay halkaasi ka qaadaan isbaarooyinka.

Balse shacabka ku dhaqan deegaankaasi iyo kuwa kale ee wadada mara ayaa sheegay in isbarooyinkan lasoo dhigo wadada xiliyada barqadii isla markaana laga qaado duhurkii, arrintaasi oo ay ku micneeyeen ciidamada oo raba inay lacagtii ay qaadka ku cuni lahaayeen xooga uga qaada gaadiidka wadada mara, arrintan ayaa la sheegay inay la xariirto ciidamada dowlada oo aan helin mushahar ku filan.

Taliska Militariga ayaa shalay mar ay warsaxaafadeed soo saareen ku sheegeen in ay jiraan askar dowlada ka tirsan oo dhigta isbaarooyinka, balse sidoo kale ay jiraan dad rayid ah oo dareeska ciidamada wata iyo kooxo arrimo siyaasadeed ka wata, waa sida ay hadalka u dhigeenee

 

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s