Prof Caan ah oo ka tagay Xubanimadii Baarlamaanka Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka hadlay

0106

Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iska casilay xubinimadii Baarlamanaka Soomaaliya isagoona Warqad uu isku casilayo usoo gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari”, ayaa sheegay uu iminka ka banaan yahay Baarlamaanka Laba kursi oo uu mid kamid ah iska casilay Prof Axmed Ismaaciil Samatar, halka Kursiga labaadna uu baneeyay Bashiir Maxamed Jaamac “Goobe”, oo loo dhiibay Aggaasimaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka Somalia.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari”, oo ka hadlaayay Arrinta ku saleysan Is casilaada Prof Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa waxa uu ku sheegay in Baarlamaanka uu xuriyad siinaayo Xildhibaan waliba ee isku dayo inuu iska Casilo xilka, waxa uuna sheegay in Warqad Codsi ah uu soo gudbiyay Prof Axmed Ismaaciil Samatar isla markaana ay aqbaleen maadama uu go’aan saday inuu isaga baxo Golaha Baarlamaanka.

Wuxuu sheegay Prof Jawaaro in Dowladda aysan xiligaani kamurgooneynin ruux kabaxa Golaha wasiirada ama Baarlamaanka waxa uuna Tilmaamay in Dowladda Somalia ay mar waliba tiigsaneyso waxa ay tabaneyso.

Guuddoomiyaha Baarlamaanka Md. Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari”, waxa uu ugu baaqay Beelaha ay ka soo jeedaan Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo xilka iska casilay iyo Bashiir Maxamed Jaamac “Goobe” inay soo buuxiyaan Kuraasta uga banana Baarlamaanka muddo kooban gudaheeda.

Ma ahan Prof Samatar Mudanihii ugu horeeyay ee ka taga Xubanimadii Baarlamaanka Soomaaliya , waxaa horey sidaan oo kale uga tagay Kursiga Baarlamaanka Siyaasiyiin caan ah oo qaarkood Xilal sare dalka kasoo qabtay kana mid ahaa Baarlamaanka Soomaaliya balse markii dambe go’aansadeen in ee ka tagaan Baarlamaanka.

warsugansomaliya.wordpress.com

 

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s