Golaha Wasiirada xukuumada Federaalka Soomaaliya oo kulankoodii caadiga ahaa Muqdisho ku yeeshay

Golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ee Todobaadlaha ahaa,kulanka golaha wasiirada ayaa waxaa shir gudoominayey R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid.

Kulanka golaha wasiirada ayaa waxaa looga dooday ajandayaal dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen ansixinta hindise sharciyeedyo ay soo gudbisay waraasada Garsoorka dowlada  iyo kala qaadashada warbixinno ku aaddan guulaha aay ku tallaabsatay dowlada Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya C/llaahi Ciil-mooge Xirsi ayaa warbaahinta uga warbixiyey waxyaabihii ay maanta meel mariyeen golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya,wuxuuna tilmaamay in golaha wasiirada ay isku raaceen 6 hindise sharciyeed oo ay soo gudbisay wasaarada garsoorka kuwaas oo kala ahaa.

1. Hindise Sharciyeedka dhisida gudiyada dib u eegista iyo hirgalinta dastuurka, 2. Hindise Sharciyeedka dhisida xafiiska gardoonka dadweynaha, 3. Hindise Sharciyeedka dhismaha maxkamada dastuuriga ah, 4. Hindise Sharciyeedka disida gudiga xuquuqda aadanaha, 5. Hindise Sharciyeedka dhismaha gudiga xuduudaha iyo Federaalka , 6. Hindise Sharciyeedka dhismaha gudiga garsoorka dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in golaha wasiiradu ay sidoo kale meel mariyeen sharciga la dagaalanka argagixisada oo ay soo gudbisay wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada,wuxuuna intaa ku daray in sidaa si lamid ah la isku raacay in dib loo hawlgaliyo wakaaladaha Maraakiibta iyo Dekedaha dowlada Soomaaliya oo aan xiligan shaqayn.

Wasiirka ayaa ugu danbeyntii sheegay in la isku soo qaaday guulihii ay dowlada Soomaaliya ka gaartay dhanka hawada Soomaaliya oo dhawaan ay si rasmi ah ugu guuleysatay iney lasoo noqoto maamulkeeda,wuxuuna tilmaamay inuu golaha hordhigay saxiixa heshiisyadii ku aaddanaa arinkaas.

warsugansomaliya@gmail.com

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s