Golaha Wasiirada dalka oo la dhaariyay

Uhuro-Kenyatta

Madaxtooyada dalka ayaa maanta lagu dhaariyay golaha wasiirada ee dhowaantan uu magacaabay madaxwenaha dalka Uhuru Kenyatta.

Munaasabadda dhaarinta waxaa ka qeyb galay masuuliyiinta dalka, iyadoo ay ka muuqatay wasiirada la dhaariyay Farxad.

Madax waynaha dalka Uhuruu Kenyaata ayaa kula dardaarmay xubnaha golaha wasiirada ee maanta la dhaariyay inay shacabkooda si dhex dhexaad ah oo daacad nimo ay ku jirto ay ugu adeegaan.

Dhinaca kale shacabka ayuu madax wayne Kenyaata ugu baaqay inay shaqadada golaha wasiirada loo dhiibay ay si toos ah oo hufan ugula xisaabtamaan.

Madax wyane Kenyaata ayaa sheegay in ujeeda golaha wasiirada ee maanta la dhaariyay ay tahay hamiga wanaagsan ee uu dalkani tiigsanayo sanadka 2030 ka.

Amb Amina oo loo magacaabay wasiirka Arimaha dibadda ayaan ka qeyb gallin munaasabadda dhaarinta, waxaana la sheegay inay ku maqan tahay safar dalka dibaddiisa ah.

Amb. Amnia waxay sii wadataa shaqadeeda ay la hayso ugurka ganacsiga caalamiga ah oo muddo ay la shaqeyneysay.

Barlamaanka dalka ayaa shalay meel mariyay golahani wasiirada cusub ee maanta uu dhaariyay kadib markii gudiga turxaan bixinta ee baarlamaanigu shalay soo turxaan bixiyeen 16 wasiir oo uu dhawaam magacaabaay Madax wayne Uhuuru Kenyaata.

warsugansomaliya.wordpress.com

 

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s