Erdogan oo booqasho ku maraya wadanka Maraykanka.

Raysalwasaaraha dalka Turkiga ayaa booqasho ku tagay dalka Maraykanka isagoo la kulmi doona Madaxweynaha Maraykanka oo ay ka wadahadlayaan arrimaha dalalka Carabta iyo Afrika.

Tayyib Erdogan Raysalwasaaraha dalka Turkiga ayaa booqashadan muhiimka ah diirada ku saari doona xaalada ka taagan dalka Siiriya iyo dhaliil uu u wado dowlada Maraykanka.

Raysalwasaaraha Turkiga ayaa si weyn ugu dhaliilsan dowladaha Reer Galbeedka in aysan tilaabo cad ka qaadin xukuumada Bashaar Al Assad.

Obama iyo Erdogan ayaa sidoo kale lagu wadaa inay ka wadahadlaan booqasho lagu wado Erdogan inuu ku tago dhulka Falastiin gaar ahaan marinka Gaza. Maraykanka ayaa horey uga codsaday hogaamiyaha Turkiga inuu baajiyo booqashadiisa oo ay ku sheegeen inay caqabad ku keeni karto waan waanta nabada ee ka socota bariga dhexe.

Sidoo kale arrimaha Afrika ayaa kamid ah qodobada ay ka wadahadlayaan dowlada Maraykanka iyo hogaamiyaha Turkiga, xili dowladaasi Turkiga ay awood dhaqaale iyo siyaasadeed kusii yeelaneyso wadamo badan oo kamid ah dalalka Islaamka ee Qaarada Afrika.

warsugansomaliya@gmail.com

 

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s