wararkii ugu danbeyay doorashoyinka juba-land iyo loolan cusub oo mushaarixinta ay la soo bexen

kismaayo1

waxaa magaalada Kismaayo manta ka socda xaflado kala duwan oo dhamaan musharixintu siyabo gono goni ah ay u dhiganayan kuna soo shacbixinayan kambeynkii maalmahanba ay ka wadeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose ,

musharixinta ayaa waxaa borar ay halku dhigyo kala duwan ku qoran yihiin waxaa ay ku dadiyeen wadooyinka waawayn iyo goobaha faras magaalaha ee magaalada waxaana sidoo kale ay manta dadka tageerayshoda ah ay u qaybiyeen funanado iyo koofiyado ay sawiradoda ay ku dhagan yihiin oo magaalada manta lagu dhax arkayo,

dhanka kale waxaa heer gabo gabo ah maraya doorashada madaxtinimada juba-land oo dhawr malin oo qur ah ay ka harsan yihiin,

afayaheenka maamulka kmg ah ee magaalada Kismaayo(cabdi naasir serar) ayaa Allssc u xaqiijiyay in lamarayo marxaladii ugu danbaysay ee lagu dhidbayo markii ugu horaysay maamul goboleed ay yeeshan sadexda gobolk ee dhibatada ay daashatay ee dhaca koonfurta soomaaliya ee jubooyinka iyo gedo,

afayaheenka ayaa xusay in maalinta bari ah ay dhisi doonan gudiga doorashooyinka isla markana maalinka xigta ay musharixiintu qudbadahooda ka hor jeedin doonan Ergooyinka madaxwaynaha juba-land dooranaya

waxaana uu hoosta ka xariiqay in maalinka jimcaha ah ay qabsomayso doorashada madaxtinimada ee juba-land isaga oo bidhaamiyay nuxurka dhisida dawladan oo uu ku micneyay in goboladan ay ka nastaan dagaalada sokeye ee ragadiyay iyo in ay helan maamul nidamsan oo cadalad iyo sinan dadka ku maamula nabad iyo horumarna gaar siiya,

maalinimadii shalay ayay ahayd markii dhamaan Ergooyinka shanta boqol ah ee dooranaya madaxwaynaha juba-land loo qaybiyay aqoonsiga ay doorashada kaga qayb gali lahayen,

xigasho allssc.com

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s