Goalaha ammaanka oo ka hadlay Qaabkii looga hortagi lahaa Ururada ku xiran Al-Qaacida ee ka jira Soomaaliya.

ban-ki-moon_3

Xog’hayaha guud ee Q,M Ban Ki Moon oo hadal ka jeedinayay kulan ay xubnaha golaha  amaanka ee Q,M ku yeesheen magaalada New York ayaa waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo qorshe looga hor tagayo qataraha ka yimaada ururada Al-Qacida ku xiran ee ka jira qaaradda  Africa oo ay ku jirto Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalanta.

Ban ki Moon waxaa uu sheegay in qaaradda Africa  ay dhibaato amaan ku hayaan  ururada Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalanta, Boka Xaraam oo Nigeria ka dhisan  iyo Maqribul Islam oo aas aasan wadanka Morocco.

In la xoojiyo tilaabooyinka military ee gobolka ayuu sheegay xog’hayaha guud ee Q,M inay yareyn karto dhibaatadda ururadaan waxaana uu ku baaqay in la sameeyo tilaabooyin looga hor istaagayo inay dhul hor leh ku fidaan.

Ban ki Moon waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in xafiiska ay Q,M dhawaan ka furanayso Magaalada Muqdisho uu qeyb weyn ka qqaadan doono ka taageerada dawlada Sooomaaliya dagaalka ay Shabab ku kula jirto.

Xog’hayaha guud ee Q,M waxaa uu sodii kale soo hadal qaaday ururo kale oo uu sheegay inay Shabab xiriir la leeyihiin oo ka jira qaaradda Africa oo uu xusay in loo baahan yahay in si wada jir ah loola dagaalamo.

sugullexaajorag

35133_113098412075861_8288610_n

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s