Kulanka: Final-ka FA Cup-ka Ee Manchester City VS Wigan

67529452_fac

Final-ka FA Cup-ka ayaa ka dhici doona Garoonka Wembley ee London kuyaalla waxaana ku ciyaari doona Manchester City VS Wigan

Yaya Toure ayaa xaqiijiyay in uu diyaar u yahay kulanka adag ee kooxda Manchester City ay la ciyaareyso Final-ka Koobka FA Cup-ka ee Wigan.

Xidigan Reer Ivorian ayaa seegay kulankii ay West Brom ay gusha ka gaartay kooxdiisa, laakiin waxa uu ku soo laabtay Todobaadkii hore xirada tababarka ee kooxda City.

Scott Sinclair ayaa la heli doonin kulanka kaddib markii qaliin laga marsiiyay Garabka, laakiin Roberto Mancini ayaa heystay team uu ka soo xulan karo koox adag oo uu uga hortago Wigan.

Wigan ayaa ka walaacsan dhawacyo fara badan oo kaga maqan yihiin dhawr ciyaaryahan oo daafacyo u badan.

Ivan Ramis ayaa kooxdiisa ka maqnaanaya tan iyo inta ka ahartay xilli ciyaareedkan iyadoo Antolin Alcaraz uu isna wajahayo dhawac daran.

Jean Beausejour ayaa sidoo kale shaki lagalinayaa iyadoo Maynor Figueroa uu wali la dhibaatoonayo dhawaca heysta waxaana badalkiisa buuxin doonao Roberto Martinez.

Ronnie Stam ayaa ka cabanaya tuhun ah in uu lugta ka jabay wax ka yar daqiiqad markii uu dheelay kulankii 3-2 ay ku garaaceen Swansea Talaadadii. Albert Crusat oo jilibka ka dhawacan ayaa waqti dheer maqnaanaya.

CIYAARTOYDA LAGA YAABO IN AY KULAN KAN CIYAARAAN

MANCHESTER CITY

Pantilimon

Zabaleta, Kompany, Nastasic, Clichy

Yaya Toure, Barry

Silva, Tevez, Nasri

Dzeko

WIGAN ATHLETIC

Joel

Boyce, Caldwell, Scharner, Espinoza

McCarthy, Watson, McArthur

McManaman, Kone, Maloney

Ma Ka War Heysay?

Manchester City ayaa badisay 14 kulan, barbaro gashay shan kulan kale islamarkaana laga badiyay lix kulan 25kii kulan ee u danbeysay ee ay wajaheen Wigan tartamada oo dhan.

City ayaa badisay 7dii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay wajaheen Wigan Athletic.

Kooxda Latics lagu naaneeso midkoodna shaqada sooma taaban guuldarooyinkaas.

Kooxda hanata maanta FA Cup waxa ay heli doontaa 1.8 milyan ginni, halka kooxda laga qaado ay heli doonto 900 kun ginni.


W/Q: Rooble Hersi Rooble.

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s