Safaarada Soomaaliya ee Turkiga oo ka Jawaabtay Hadal saacadihii la soo dhaafay ka soo baxay saxaafada oo looga Been abuurtay safiirka Soomaaliya ee Turkiga, in uu u baxsaday Holand,

safiirk
Ankara(warsugansomaliya.wordpress.com)Safiirkii Dowlada federaalka Somalia u fadhiyey Turkiga Danjire Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan ayaa goor dhawayd la soo Xiriiray Bogan asaga oo Beeniyay warar saacadihii la soo dhaafay ku soo baxay Webyada Soomaalida Qaarkood.

Danjire Mursal ayaa sheegay in wax lagu qoslo uu saacadihii la soo dhaafay uu ku arkay Web-yada sida safiirka Soomaaliya ee Turkiga iyo qoyskiisa ayaa u goostay dalka Holand.

Waxa uu sheegay safiirka in uu yahay Dibulumaasi uuna tagi karo dal kasta, uuna Heli karo Viiso, waxa uuna ku tilmaamay dadka Wararkaas qoray kuwa aan saxaafada wax ka ogayn aqoon guudna aan lahayn.

“ Marka aan rabo Holand waxaan tagayaa safaarada Holand ee Turkiga, Viso ayaan waydiisanayaa, isla maalmo gudahood ayaan ka helayaa Maxaa yeelay waxaan ahay shaqsi Dibulumaasi ah marka ma waxaan ku baxaya Pasapor u ekaansho ah’ayuu yiri asaga oo aad ugu Qoslay warkaas.

Safiirka Soomaaliya ee Turkiga ayaa sheegay in uu la yaabay markii uu arkay safiirka Soomaaliya ee Ankara, waxa uuna sheegay in uusana Ankara uga ahayn safiir Soomaaliya balse uu ka yahay dalka Turkiga oo uu Wakiil uga yahay Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in dadka Wararkaas qoraayo in aysan wax ka aqoon Dibulumaasiyada iyo aqoonta Guud, oo uu ku sheegay in ay u arkaan Safiirka ama shaqaalaha safaarada in ay yihiin oo kale Tahriibayaal.

Sidoo kale waxa uu sheegay Danjire Mursal in ay saxaafada gaar ahaan Web Qoray Wararkaas, in ay ula dhaqmeen asaga iyo Qoyskiisa in ay yihiin Tahriibayaal oo kale.

Waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay Booliiska Holand oo soo Celiyay Qosyka safiirka, waxa uuna sheegay in shaqaalaha safaarada safiirka iyo Caailada safaarada ay leeyihiin Xushmad gaar ah, waxa uuna ugu baaqay in dadka wax qoraya ay eegaan sharciyada Dibulumaasiyada waxay xaq u leeyihiin iyo in Visaha dal ku galka ay heli karaan mar kasta.

ahmed farah kulmiye
ankara turkiya

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s