War-murtiyeed Laga Soo Saaray Shir Madaxeedkii Wadamada IGAD Uga Socday Addis Ababa Oo La Soo Gabagabeeyay(Daawo Sawiro )

M3

m1

M4

May 4, 2013 Addis Ababa(warsugansomaliya.wordpress.com) – Shir madaxeedkii wadamada urur gobaledka IGAD oo si gaar ah diiradda loogu saaray xaalada dalka Soomaaliya ayaa la soo gabagabeeyay iyadoo xalayna la soo saaray warmurtiyeedkii ka soo baxay gabagabada shirkaasi

Shirka madaxda dalalka urur gobolleedka IGAD waxaa ka qeyb galay madax ay ka mid yihiin madaxweyneyaasha Soomaaliya, Kenya Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Madaxweynaha Koonfurta Sudan, wasiirka Arrimaha dibedda Jabuuti iyo madax kale, waxaana intii uu socday diirradda lagu saaray xaalada Soomaaliya.

Image

War murtiyeed ayaa laga soo saaray shirkii magaalada Addis Ababa ee IGAD, oo ahaa kulanka 21-aad ee aan caadiga aheyn waxaa guddoominayey Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya.

Kalfadhigii 47-aad ayaa ka horeeyey, shirka ayaa ugu horeyn loogu hambalyeeyey doorashooyinkii ka dhacay wadamada Jabuuti iyo Kenya, waxaa sidoo kale la boggaadiyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa la soo dhaweeyey guulaha ay dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ay ugu ololeneyso hirgalinya nidaamka Federaalka , waxaa si weyn loo cambaareeyey kuwii ka dambeeyey weerarrada ka dhacay maxkamadda gobolka Banaadir, in ay dowladaha IGAD ay sii xoojiyaan taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya.

In si weyn looga qeyb qaato dib u dhiska Soomaaliya, in gacan laga geysto sidii dib loogu celin lahaa qaxootiga Soomaaliyeed, iyadoo ay gacan ka geysan doonaan qurba joogta Soomaaliya, in wefdi ka shaqeeya dhismaha maamulka gobollada Jubbooyinka.

In la sii wado la dagaallanka kooxda Al-Shabaab ee khatarta ku ah nabadda gobolka, iyadoo qodobbaasi wixii ka jirgirlayna looga hadli doono shirka dambe.

Image

ImageImageImage

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s