TOP NEWS: Dowladda Somaliya oo dib Uqabsanaysa Mamulka Hawada Dalka

href=”https://warsugansomaliya.files.wordpress.com/2013/05/hawo.jpg”>Image

Muqdisho {warsugansomaliya.wordpress.com} Dowlada  Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday iney dadaal  ugu jirto la wareegida maamulida Hawada  Soomaaliya waxaana sidaasi shaaca ka  qaaday wasiirka warfaafinta xukuumada  Soomaaliya C/laahi Ciil-mooge Xirsi oo shalay  dalka dib ugu soo laabtay kadib safar uu ku  tagay wadanka Turkiga ,isagoo xusay in  dowlada Soomaaliya ay waqti dhow dib ula  wareegi doonto maamulka Hawada  Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay iney ku jiraan diyaar  garowga ku aaddan sidii ay ula wareegi lahaayeen maamulka Hawada Soomaaliya oo ay 19-kii  sano ee ina dhaafay maamulayeen hay’ado hoostaga Qaramada Midoobe oo fadhigoodu yahay  magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya ayaa tilmaamay in dowladda dalka Turkigu ay  gacan weyn ka siineyso sidii ay Soomaaliya usoo ceshan lahayd maamulkii Hawada  Soomaaliya”si aad dib ugu hanato maamulida Hawada dalkaaga waxaa lagaa rabaa iney diyaar  kuu yihiin qalabkii iyo dadkii xirfada iyo aqoonta u lahaa maamulka Hawada,taasna waxaa  gacan buuxda naga siinaya dalka Turkiga” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya C/laahi  Ciil-mooge.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in hada wixii ka danbeeya aysan dhici doonin in hay’ado  ajaanib ah ay gurtaan Canshuuraha laga qaado diyaaradaha adeegsada Hawada Soomaaliya,wuxuuna intaa ku daray in dowladu ay ku hawlan tahay soo nooleynta shirkadii
duulimaadka Soomaaliya ( Somali Airline) oo uu sheegay iney ahayd astaanta qaranka  Soomaaliyeed sida uu yiri

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s