Dab Geystay Qasaare Hantiyeed Oo Xalay ka Kacay Xarunta Warshada Isbuunyada Mubaarak Ee Muqdisho (Daawo Sawirada)

dwm_1 dwm_4-1dwm_2

Apr 21,2013 Muqdisho(warsugansomaliya.wordpress.com)-Dab geystay qasaare hantiyadeed ayaa xalay ka kacay dhismaha xarunta Warshada Isbuuryada Mubaarak oo ku taala degmada Heliwaa ee G/Banaadir.

Dabka ayaa xalay ka kacay xrunta warshada Isbuunyada Mubaarak mana jirin cid wax ku noqotay dabkaasi laakin sida la sheegay dabku waxaa ku baaba’ay hanti iyo qalabkii warshada.

Dabdamisyo gaaray goobtaasi ayaa la sheegay iney ku guuleysteen bakhtiinta dabkaasi, iyadoo ciidamada amaanka ee dowladuna ay ku guuleysteen xaqiijinta amaanka.

Lama sheegin ilaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee dhalisay dabkaasi inkastoo mas’uuliyiinta warshadaasi aysan ka hadlin arintaasi.

Ganacsato Soomaaliyeed ayaa dalka ka hirgeliyay Warshadaasi oo soo saarta tiro badan oo joodariyaal ah, kuwaas oo looga maarmay inta badan joodariyadii dibada laga keeni jiray.

Q.W. Faysal Muuse Adam ..

Email. faysalhassan1@hotmail.com

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s