DAAWO SAWIRADA:-Ra’iisal wasaare Saacid Oo Golaha Barlamaanka Hor tagey Su’alahii Ugu Adka Gobolada Jubooyinka La Waydiyey.

DSC07073 DSC07060 DSC07038 DSC07028 DSC07026 DSC07014 DSC07013 DSC07006 DSC070041 Kalfadhiga 2-aad kulankiisa 18-aad oo ay mudaneyaaasha Baarlamaanka maanta kuyeesheen magaalada Muqdisho  waxaa soo xaadiray 192 mudane waxaana shir guddoominayay guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdala Cawad. Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa in su’aallo lagu weydiiyo R/wasaaraha dalka  oo ay mowshin ka keeneen 30 mudane oo Baarlamaanka ka tirsan iyadoo uu yimid fadhiga R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo ay lasocdeen xubno katirsan golaha wasiirrada. Furitaanka gudoonka Baarlamaanka kadib waxaa ka hadlay kulanka xildhibaan Cumar Isloow oo ka mid ah mudaneyaasha mowshinka ka keenay R/wasaare Saacid waxa uuna aqriyay warqada ay ku gudbinayeen mooshinkooda, Waxaa laguda galay su’aala weydiinta wasiirka koowaad waxaana ahaayeen su’aalahu ilaa 10 iyadoo loo xilsaaray in ay oraah ahaan u weydiiyaan 5 mudane oo kamid ah 30 xildhibaan ee u yeeray R/wasaaraha. Su’aalaha 10-ka ah ee la weydiiyay Ra’isul wasaare Saacid waxaa kamid ahaa in xukuumadda ay cadeeyso  heshiisyada ay xukuumadda lagashay dowladaha caalamka gaar ahaan Turki, in la cadeeyo qorshaha IGAD ee xasilinta Soomaaliya, in uu R/wasaaruhu Baarlamaanka u sheego  halka uu marayo qorshaha xukuumadda ee ku aadan xasilinta Amaanka ee 4 sanno iyo habshar ciyeedka la marsiiyay iyo su’aallo kale. Mar uu R/wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon ka jawaabayay su’aasha ku saabsaneyd in la cadeeyo heshiisyada  ay xukuumada lagashay dowladaha caalamka qaarkood gaar ahaan Turki ayaa ku jawaabay. “waxaan u dhiibay qorshaha waraaqo ay ku qoran yihiin qorshaha afarta sano ee amaanka dalka guddoonka baarlamanka Soomaaliya sidoo kale wasaaradda arrimaha gudaha waxey soo diyaarsisay qorshaha booliska afarta sano ee soo socoto” ayuu yiri R/wasaaraha dalka. Sidoo kale mudane Saacid ayaa la weydiiyay su’aal aheyd halku uu marayo qorshaha xasilinta amaanka dalka afarta sano. “ mudadii aan joognay waxaan  keenay laba heshiis oo ku aadan dhanka ciidanka kaas oo ay la galeen dowladda Turkiga waan idiin keenay waxaana koobiga heshiiskaas u dhiibay guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya”. Guddooonka kulanka maanta ee baarlamaanka ahna guddoomiye kuxigeenka labaad Mahad Cabdala Cawad oo khudbad jeediyay ayaa tilmaamay in ay tani cadeyneyso wada shaqeynta buuxda ee dhex mari doonto xukuumadda iyo Baarlamaanka. Mudaneyaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa Saddexdii bishan u yeeray R/wasaaraha dalka si ay u weydiyaan su’aalo, waxa ayna aheyd su’aalahii maanta la weydiiyay R/wasaaraha uu uga jawaabay mid ay ku qancaan.

Q.W. Faysal Muuse Adam ..

Email. faysalhassan1@hotmail.com  

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s