Madaxwaynaha maamulka somaliland siilaanyo oo la kulmay raysalwasaraha ingiriiska David Cameron.

Siilaanyo-David-Cameron1

This slideshow requires JavaScript.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Wafdi uu hogaaminaayey ayaa waxa ay ku sugan yihiin Magaaladda London ee Dalka UK.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxa ay la kulmeen Raisal wasaaraha Dalkaasi Ingiriiska David Cameron.

Kulankan oo ahaa mid ay ku lafa-gureen labada dal, wada shaqaynta iyo xiriirka

Siyaasadeed ee ka dhexeeya, ayaa madaxweynaha Maamulka Somaliland oo kulankaasi ku dheeraday sidii loo ilaalin lahaa wada jirka iyo wada shaqaynta ee ka dhexeeyay Dalka Britain iyo Maamulka Somaliland iyo sidii laysaga kaashan lahaa xoojinta iyo adkaynta nabad-gelyada geeska afrika, hour-marka iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale waxa uu Ra’isul wasaare David Camaron Madaxweynaha Maamulka Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u soo bandhigay ahmiyada uu leeyahay Shirka London lagu qaban-doono ee Somalia iyo Maamulka Somaliland  doonayo in lagu wada hadashiiyo oo uu ku nuux-nuuxsaday Ra’isal wasaaruhu in ay Somaliland faa’iido weyni ugu jirto ka soo qayb-galkaasi, ingiriiskana ay muhiim u tahay.

David Camaron, waxa uu Wakhti siiyay Wafdigii Maamulka Somaliland isagoona kuwar galiyay inay heystaan Fursadii ugu dambeysay hadii la waayo Natiijo waafi ah oo ay isla soo meel dhigaan Maamulka Somaliland uu mar ahaanba Shirka dhici doono isla markaana cidna loo hakin doonin, sida laga soo xigtay Warbaahinta London.

warsugansomaliya

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s