Gollaha Samatabixinta Puntland oo Urur Mucaarad ku ah Xukuumadda Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole ayaa galabta kulan ku yeeshay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

03139

Golluhu,kulankooda ka dib ayey kasoo  saareen Warsaaxafeed ay kaga hadleen  arrimo badan oo ay ugu weyn tahay  Mowqifkooda Siyaasadeed ee  Puntland,wuxuuna u qornaa sida tan:

GOLAHA SAMATABIXINTA PUNTLAND

Ref;- GSBP/05/2013 18 April, 2013

Mowqifka Siyaasadeed ee Golaha Samatabixnta Puntland

Goluhu wuxuu horey u caddeeyey inaanay suurtogal ahayn hirgelinta hannaanka dimuqraadiyadda Puntland ee Maamulka waqtigiisu dhammaaday uu sheegay in uu ku qabanayo muddo hal sano ah oo dheeraad ka ah afartii sano ee la doortay maamulkaas, iyadoo danta uu ka leeyahay ay tahay cimri dheereysi iyo muddo kororsi xeeladaysan.

Arrintaa kor ku xusan waxaa daliil u ah sababaha hoos ku qoran oo aasaasi u ah hannaanka dimuqraadiyadeed, haddii aysan jirinna aysan hirgelayn, waxayna kala yihiin;-

i. Dhisidda Maxkamaddii Dastuuriga ahayd.

ii. Nabadgelyada iyo Xasiloonadda Dalka oo si buuxda loo sugo.

iii. Tirokoob sugan oo dalka oo dhan laga sameeyo.

iv. Diiwaangelin dadka cod-bixiyayaasha ah.

v. Aqoonsiga Muwaadinka Puntlanderka ah.

vi. Soo celinta Gobollada Maqan ee Sool, Sanaag iyo Cayn.

vii. Kala xaddaynta Gobollada iyo Degmooyinka Dalka.

viii. Hub-ka-dhigista Beelaha Puntland.

ix. Xoriyadda Saxaafadda iyo Fikirka Shaqsiga.

Dhammaan qodobadaas kor ku xusan oo aasaasi u ah hirgelinta hannaanka dimuqraadiyadeed, markan hadda ah kama jiraan deegaanada Puntland.

Goluhu wuxuu xusuusinayaa dadwynaha reer Puntland iyo Hay’addaha Caalamiga ahba dhibaatadii Bulsho, Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee ay keentay muddo kororsigii sanadkii 2001-dii, taas oo ay ku naf waayeen dhallinyaro farabadan oo reer Puntland ah.

Goluhu wuxuu ka digayaa dhibaato ka dhalata afduubka iyo hannaanka guracan ee siyaasadeed ee hadda ka jira Puntland.

Waxaa xusuusin mudan in Puntland oo maanta 15 jirsanaysa, aasaas iyo marjacba ay u ahaayeen Isimada Puntland, kuwaas oo mar walba u taagnaa xallinta khilaafyada Dhaqan iyo kuwa Siyaasadeed ee ka dhaca Puntland, maadaama aysan Maamuladii kala dambeeyey ay ku guuldsaraysteen in ay higeliyaan Maxkamaddii Hawshaas iska lahayd oo ahayd Maxkamadda Dastuuriga.

Waxaa nasiibdarro ah in Maamulka hadda jira ee Sharcidarrada ku jooga uu ka xayuubiyey Sharaftii iyo Karaamadii ay lahaayeen Isimadu, taas oo keentay iska hor-imaad, fawdo iyo dagaalo sokeeye oo ilaa hadda aan xal loo helin.

Ugu dambayn Goluhu wuxuu cambaaraynayaa qoraalka ka soo baxay Xafiisyada Wakiilada Midowga Yurub iyo Maraykanka ee fadhigoodu yahay Nairobi Kenya, qoraalkaas oo ku taariikhaysnaa 11 April, 2013, ujeeddadiisuna ahayd Dhiirigelin iyo taageerid buuxda oo uu siiyey maamulka Faroole ee Sharcidarrada ku jooga.

Waxaan ka digaynaa in ay masuuliyadeeda qaadayaan cawaaqib xumada ka dhalata taageeridda ay siiyeen Faroole Xafiisyada ay warqaddaasi ka soo baxday, arrintaas oo haddii aysan ka noqon Puntland u horseedaysa dagaal sokeeye oo ay horey uga nabadgashay.

Goluhu wuxuu soo dhawaynayaa go’aanka wax ku oolka ah ee ay Ururada Midnimo iyo UDAD ay ka qaateen marin habaabinta siyaasadeed ee lagu hayo shacabka Puntland, waxaanan ugu baaqaynaa in aan aragti midaysan ka yeelanayo waxyaabaha ka socda Puntland.

Waxaan codsanaynaa in;-

– Dawladda Federaalka Soomaaliya

– Xafiiska Wakiilka Xoghayaha Guud

– Xafiiska Wakiilka Midowga Africa

– Xafiiska Wakiilka IGADD

– Xaffiska Wakiilka EU ee Bariga iyo Koonfurta Soomaaliya

– Dawladdaha Daneeya Arrimaha Soomaaliya

– Dawladdaha Deriska la ah Soomaaliya

– Dawladda Maraykanka

Dhammaantood ay soo farageliyaan arrinta Puntland ee murugsan inta aysan gaarin meel aan waxba laga qaban karin.

Mahadsanidin.

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s