Turkiga oo shaaciyay rajo ah in ismaamulka Somaliland ku biirayo Federaalka Soomaaliya.

basbakan-recep-tayyip-erdoganin-dini-liderler

Ankara (Warsugansomaliya.wordpress.com)- Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Receb Tayyip Erdogan ayaa ka hadlay wada hadaladii magaalada Ankara ku yeesheen Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo rajo ka muujiyay in ay dib u soo noqoto Midnimada gobolada Waqooyi iyo Soomaaliya.

Receb Tayyip Erdogan ayaa intaa ku daray in Madaxda Soomaaliya iyo Somaliland kulamadii hordhaca ahaa ay ku gaareen heshiis wadada u xaaraya in lasii wado wada hadalada iyadoo la iska kaashanaayo dhinacyada amaanka, la dagaalanka argagixisada iyo burcad badeeda.

Waxay mar kale ku kulmayaan mudo 90 maalmood gudahood magaalada Istanbul” sidaasi waxaa yiri Ra’iisul Wasaare Receb Tayyip Erdogan oo si taxadir leh ugu hadlay wada hadalada dhinacyada Soomaalida.

Shirkii Todobaadkii hore ka dhacay dalka Turkiga ayaa qorshahiisa ahaa in si toos ah looga hadlo arrimaha siyaasadeed, hase ahaatee dhinacyadii ka qeybgalay ayaa isla meel dhigay in dib loo dhigo arrimaha siyaasadda gaar ahaan dhinaca qadiyada, waxaana warmurtiyeedkii laga soo saaray lagu koobay iskaashi dhinacyadaasi dhex mara, kadib la guda geli doono wixii siyaasadda quseeya muda 90 cisho gudahood.

Dowladda Turkiga iyo Imaaraadka carabta ayaa dadaalo badan ku bixinaya sidii la isugu soo dhoweyn lahaa Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland oo doonaya inuu ka madax bannaanaado Soomaaliya inteeda kale.

warsugansomaliya.wordpress.com

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s