MADAXWEYNAHA PUNTLAND FAROOLE, OO SHEEGAY IN SOOMAALILAND TAAGEERTO ARGAGIXISADA.

 faroole_puntland

MADAXWEYNAHA PUNTLAND FAROOLE OO SHEEGAY IN SOOMAALILAND TAAGEERTO ARGAGIXISADA
Garoowe (Warsugansomaliya)–Madaxweynaha maamulka Puntiland Cabdi Raxmaan Faroole ayaa  maamulka Somaliland Ku eedeeyay  in ay ku hubeeyaan kooxda AlShabaab ee ka dagaalanta buuraleyda Gal-gala ee gobalka Bari.
“Somaliland waxa ay fududeeyaan dariiq hubka, saanada iyo wax kasta oo ay u baahanyihiin loo marsiiyo kooxda Shabaab ee ku sugan gobalka Bari gaar ahaan Buuraha Galgalo, Intaas oo dhan waxa ay u sameynayaan in fowdadu kasii socoto maamulkeenna halka uu ka taliyo” ayuu yiri Madaxweyne Faroole.
Eedeynta Cabdi raxmaan Faroole ayaa waxa ay imaneysaa iyada oo Puntiland iyo Somaliland horay loogu jeediyay eedeymo isku mid ah oo la xariira in hub iyo saanad milatari ee ay  keenaan doonyo ka yimaada dhanka yemen uga soo dejiyaan Shababka koofurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya kusugan.
Eedyntaan culus wali maamulka Somaliland kama jawaabin,lamana oga fal celinta ay ka bixin doonaan , waxaana la filayaa in masuuliyiinta Soomaaliland war kasoo saaraan eedeyntan culus uu u jeediyay Madaxweyne Faroole.

sugull

35133_113098412075861_8288610_n

 

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s