Cali Gaag oo ku qarxiyay saraakiiisha sar sare ee dowlada kuna tilmaamay kuwa nabad gelya darrada hor-seedaya.

images

General Cali Xirse Barre (Cali Gaag) Taliyaha ciidamada wadooyinka Soomaaliyeed ayaa waxa uu shaaciyay in saraakiisha dowlada Soomaaliya aysan u hogaansameyn awaamiirta ciidamada Taraafikada arintaas oo ah mid hor seedeysa amaan darrada sii socoshadeeda.

Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in amaan darida ay qayb ka yihiin gawaarida ay ku xiran yihiin muraayadaha madow ee ay adeegsadaan masuuliiyinta dowlada iyo qolya kale oo iyana aaminsan inay amaankooda qeyb ka yihiin gawaarida Muraayadaha Madow.

Cali Xirse Barre ayaa ka codsaday in dhamaan masuuliyiin iyo dadka kale ee shacabka ahba ay ogolaadaan inay qaataan amarada ciidamada ilaalinta nabad wadooyinka .

Cali Gaab ayaa yiri, “dhib badan ayaan ku qabnaa xiliyada aan wadno howlaha muhiimka ah gaadiidka ay wataan masuuliyiinta sar sare ee dowlada oo aan ogoleyn in la is taajiyo.
Hadii ay soo maraan wadada oo xayiran qeybta kale ee Sharci darada ah ayeey marayaan. Waxaas dhan waxa ay muujinayaan Masuuliyad darro iyo in amaanka dib loo soo celin waayo”.

Hadalka Cali Gaab ayaa waxa uu muujinayaa in dowlada Soomaaliyeed Saraakiishooda la doonayay in ay dhaqan geliyaan sharciga ay iyagu sharci darada hor-seedayaan.

Inta badan magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya ayaa marka aad mareyso waxaad ku arkeysaa gaadiid wasiiro iyo masuuliyiin ciidan wada oo maraya wadooyinka qaladka ah iyada oo ay wadada taaganyihiin qolyaha ku shqada leh nabad gelyada wadooyinka.

qora sugulle

Image

 

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s