Agaasimihii nabad-sugidda oo soo jeediyay in afkaar lagula dagaallamo dhiigcabayasha al-Shabaab

Agaasimihii hore ee hay’adda nabad-sugidda qaranka Axmed Macallin Fiqi ayaa u jeediyay culumaa’uddiinka Soomaaliyeed inay afkaar diini ah kula dagaallamaan kooxda al-Shabaab oo uu sheegay inay sii baaba’eyso.

Isagoo wareysi dheer siinayay warbaahinta, Fiqi ayaa sheegay in xalka ugu habboon ee lagula dagaallami karo mabda’a khaldan ee al-Shabaab uu yahay in culumada ay isku yimaadaan, oo go’aan diini ah oo wada-jir ah iyo fatwooyin ka soo saaran afkaarta al-Shabaab iyo kuwa haysta afkaartaas khaldan ee diiddan inay ka waantoobaan.
“Culumada waa inay door ka cayaaraan dagaalka, wax tari meyso in la qeyliyo kaddib marka al-Shabaab ay dadka disho,” ayuu yiri Fiqi oo ku boorriyey culumada inay dagaal toos ah la galaan kooxda ka hor intaan hal hal loo dhammeyn culumada.
Wuxuu sheegay in dagaalka lagula jiro kooxda uu yahay mid gabogabo ah, isagoo sheegay in laga soo gudbay sanadihii fikirka al-Shabaab iyo kan al-Qaacidda uu dalka ku xoogganaa oo uu sheegay inay ahaayeen sanadihii 2008 iyo 2009.
Wuxuu sheegay in maleeshiyo kor u dhaafeysa 800 oo ka soo goosatay kooxda lagu xannaaneeyo xero ku taalla magaalada Muqdisho.
Agaasimihii hore ee hay’adda nabad-sugidda ayaa dhinaca kale kula taliyay waaliddiinta Soomaaliyeed inay ka war qabaan xaaladda ilmahooda, kuna dadaalaan waxbarashooda si looga hor-tago inay ku biiraan kooxda al-Shabaab.
Agaasimaha hay’adda nabad-sugidda qaranka Axmed Macallin Fiqi ayaa xilka iska casilay 25-kii March ee sanadkan.
Axmed Macallin Fiqi ayaa madax ka noqday hay’adda nabad-sugidda bishii May 24, 2011 xilligaas oo madaxweynihii dowladdii ku-meel-gaarka aheyd, Shariif Sheekh Axmed uu u magacaabay xilka.

qore sugulle maxamud abdi

35133_113098412075861_8288610_n

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s