XUBIN KA TIRSAN HOGAAMIYE-DHAQMEEDKA BEESHA J/YOONIS(SAMARROON) OO KA DIGAY KALA QAYBSANAAN BEESHA SAAMAYN DOONTA HADDII LA WAAYO ISKU TANAASUL

b

 

 

Muqdisho(warsugansomaliya.wordpress.com)– Xubin ka tirsan hogaamiye-dhaqameedyada beesha J/yoonis ayaa ka digay kala qaybsanaan iyo tafaraaruq soo wajaha beeshaasi hadii qaybaha kala duwan ee beeshaasi la iman waydo isku tanaasul ,wixii beeshu xaq u leedahay ee ku saabsan siyaasadda iyo dhaqanka si caddalad ah loo qaybsan waayo .

Muuse Ibraahim Allaale loona yaqaanno Muuse Degmo ,kana tirsanaa guddi beeleed J/yoonis magacaabay markii uu geeriyooday Suldaan muxmed Nuur Geelle , dhawaanna Muqdisho loogu doortay hogaamiyedhaqameedka beeshaasi ee koonfurta Soomaaliya iyo Muqdisho ,marka laga reebo ardaaga  uu kasoo jeeday wasiirudawlihii Soomaaliya ee egeeriyooday dhawaanta ,ayaa hadal waraysi ah oo uu siiyey shabakadda Harowo isagoo ku sugan Caasimadda soomaaliya ku sheegay oo kale in beesha J/yoonis marayso wakhti adag oo loo baahanyahay in lagaga gudbo caqli ,isagoo dhinaca kalena dhaliil adag u jeediyey qaybo ka mid ah beeshaasi oo uu ku tilmaamay inay Soomaaliland ku haystaan mansabyo tiro badan , oo ay ku heystaan magaca Jibriir Yoonis.,haatanna duullaan ay ku yihiin  mansabyo  iyo xilal ka bannaanaaday dawladda Federaalka Soomaaliya oo waxgaradka beesha Ee Muqdisho ku sugani u xulay ciddii buuxin lahayd.
Muuse Degmo oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Walaalnimada iyo tolnimadu waxay ku fiicantahay caanaha cab iyo adigu cab ,hadiise la waayo shakibaa ku jira walaalnimadaasi .Waxa jirta In ardaa ka mid ah ardaayada beesha  J.yoonis soomaaliland ku haysato mansabyo sare oo xagga dhaqanka iyo siyaasadda ah oo tiro badan ,cidina anay kaga daba hadal.

Sidoo kale waxa jira qaybo ka tirsan isla beeshaasi oo aan waxba ku haysan soomaaliland iyo soomaaliya toona ,waxana dhacday in xilal dhawaanta uu dawladda soomaaliya ka banneeyey marxuum tii alla ku timi haatan la siyaasadeeyey ,muran iyo dhaxaltooyana ay geliyeen kooxo ka tirsan qaraabada iyo ardaaga marxuumkaasi kuwaasoo sheegtay inay u yimaaddeen tacsida marxuumkaasi ,balse arrimo kale u qarsoonayeen haatan muqdisho ka bilaabeen olole iyo kaambayn ay ku doonayaan inay dhaxaltooyo ka dhigaan xilkii marxuumkaasi hayay.

Kulana loolamayaan xubno beelaha J/yoonis oo ka qatan xilalka soomaaliya iyo soomaalilandba ,sidaa darteedna arrintani tahay mid waxyeello ku ah midnimada beesha J/yoonis hadii beesha xilka ka haysa soomalailand ka tanaasuli weydo loolankaasi .”
Muuse Degmo oo ka hadlaya khilaafka iyo kala qaybsanaan ku iman karta beesha J/yoonis meel kastoo ay joogaanba ,cid kala saartana la waayo ,ayaa yidhi “Hadii u jiro hogaamiye beesha ka tirsan oo loo doortay danaha guud ee beesha , lana aaminsanyahay inuu caddaalad iyo dhexdhexaadnimana ku kala furdaamnayo arrimaha beeshu isku qabato ,waxba xumaan maayaan hadiise taa la waayo waxa beesha ka dhex abuurmi doono waxyaalo an haabka lagu hayn wakhtigan midnimada beeshana cidhiidhi gelin kara.

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s