Waraysiga VOA-da Madaxweyne Xasan Culusow, iyo Lix Qodob u Baahan u Fiirsasho.

madaxwayne xassan
Waxaa jira lix qodob ee u baahan in si gaar ah loogu fiirsado. Saddex waxay ku jirtaa waraysiga VOA-da la yeelatay madaxweynaha koonfurta Somalia, saddexna heshiiska uu madaxweynuhu la galay jabhadda SNM/beesha Isaaq, waa sidan:
Saddexda qodob ee waraysiga ku jira:
1. “….Communique-ka soo bixi doona waad arki doontaan waxaa ku jira wax badanoo is-ictiraaf iyo is-aqoonsi, iyo is-kaashi…” (is-ictiraafka iyo is-aqoonsiga uu uurka ku haysato SNM-na uu kula heshiiyey u fiirsada sida afku uga xadayo)
2. “…..Gabadha joogta Somaliland ama gabadha joogta koonfurta….”( Waxa uu aaminsan yahay in dalku yahay koonfur iyo Somaliland, Somaliland ku tahay dal ka madax bannaan Somalia!!!
3. Dalkaa uu Somaliland u yaqaanno ee beesha Isaaq kana madax bannaan Somalia inuu xaq u leeyahay in la hubeeyo si uu u cabbudhiyo una cidhib tiro maamullada iyo beelaha kale ee waqooyiga
Saddexda qodob ee heshiiska Turkiga lagu saxeexay ku jira ee dhexmaray Xasan Culusow iyo beesha Isaaq, laguna fulinayo saddexda qodob ee sare waa:
1. Qodobka 3aad ee heshiiskaas. Qodobkaas wuxuu dhigayaa in la iska kaashado dhinaca amniga, taasoo ah in beesha Isaaq laga kaalmeeyo dhinaca hubka si ay u hanato waxan ay Somaliland ku sheegayaan iyaga iyo Xasan Culusow
2. Qodobka 4aad ee hwshiiska. Wuxuu dhigayaa in la wadaago deeqaha caalamiga si beesha Isaaq u hesho dhaqaalihii iyo imkaaniyaadkii u suura-gelin inay isku ballaadhiso dhulka waqooyi oo dhan una boobto beelaha kale ee Ilaahay ku beeray deegaannadaas
3. Qodobka 7aad ee heeshiiska xaaraanta ah. Wuxuu qodobkani qeexayaa in labada dhinacba ka fogaadaan/joojiyaan wixii wax u dhimaya wada-hadallada haddii ay hadal tahay iyo haddii ay ficil tahayba. Taas oo noqonaysa in laga fogaado wixii burburinaya is-ictiraafka, is-aqoonsiga, iyo iskaashiga Xasan Culusow iyo beesha Isaaq. Qodobkan waxaad ka heli kartaan sababaha ay dawladda koonfurta ee Xasan Culusow uga hadli la’dahay Khaatumo, Awdal, iyo Maakhir States oo runtii dad badani ku jaah-wareersanaayeen. Jawaabtiina waxay noqotay in dawladda koonfurta iyo madaxweyneheedu ay ictiraaf buuxa siiyeen beesha Isaaq inay tahay dawlad madax bannaan oo dhul la yaqaanno iyo shacab u gaar ah leh. Sidaana aysan jirinba sabab ay uga hadasho Khaatumo, Maakhir, iyo Awdal oo sida Xasan Culusow aaminsan yahay wada ah mulkiyad ay beesha Isaaq leedahay!!!
Su’aashu waxay tahay sababta ay Khaatumo, Awdal, iyo Maakhir ay wax uga sugayaan dawlad koonfur ku kooban aan iyaga metelin, oo madaxweynaha koonfurtu Xasan Culusow uu kor iyo hoos, iyo heshiisyaba ku caddeeyey inaanu wax ka baxsan koonfurta u talin. waxaa ka mid ah hadalladiisa, 11 gobol/72 degmo ayaan ka shaqaynayaa, gabadha joogta Somaliland iyo gabadha joogta koonfurta ayaa u baahan in wax loo qabto, iyo heshiisya uu ku saxeexay Turkiga oo madax bannaani siinaya beesha Isaaq.
Sidaadarteed, waa caddahay waxa la gudboon Khaatumo, Awdal, iyo Maakhir oo ah inay deegaanadooda maamushaan, shaqadooda iyagu qabsadaan dantoodana ka shaqeeyaan maanta, caalamkana si toos ah ula macaamilaan ee aan waqti dambe kaga lumin dawlad Soomaaliyeed oon jirin maanta, marka loo diyaar-garoobo ee ay timaaddo calalaheed iyo wixii nool.
Dawladda Xasan Culusoow ee koonfurta haddiiba ay sii riiqriiqdo oo aysanba meesha ka bixin, waxaa dhici doonta in talo ku caddaato waayo beesha Isaaq hadh u jiidi mayso, waxa ay la doonaysana waa inay afka ciidda u geliso. Haddii marka ay mustaqbalka dhow dhacdo in Xasan Culusoow ay dan iyo nabsi soo bado inuu soo raadiyo Khaatumo, Awdal, iyo Maakhir waxaa inoo ballan ah inaan meel aan dibed ahayn lagu wada hadlo iyo Turkiga ama meel kaleba…Allaw yaanu waaga waraabuhu cunin…
halkan ka dhagayso waraysigi voa http://www.voasomali.com/audio/audio/275265.html
Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s