Kusimaha Madaxwynaha Ahna M/xigeenka Somaliland Oo Tacsi U Diray Qoyskii Uu Ka Baxay Xildhibaan Ka Geeriyooday Golaha Guurtida

M-Saylici

Aprl 16,2013 Hargeysa(warsugansomaliya.wordpress.com) – Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ahna ku simaha madaxeynaha Jamhuurayada Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM, XILDHIBAAN. CABDILAAHI SHEEKH XASAN CISMAAN oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa Maanta 16/04/2013.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Marxuumka ku tilmaamay Oday ka baxay Bulshada Somaliland oo door-muhiima ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u heshiisiintii beelaha Somaliland ee walaalaha ah, sidoo kale waxa uu ka mid ahaa golaha mudo dheer oo aad u qaaliya laguna xasuusan-doono marxuumka.

Madaxwayne ku-xigeenku ahna ku simaha madaxweynaha JSL, waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii Gollayaasha qaranka iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s