Golaha Guurtidda Somaliland Oo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Ee Golohooda

guurtı

Hargeysa(warsugan.wordpress.com)- Xildhibaanadda Golaha Guurtidda Somaliland ayaa Fadhi ay maanta yeesheen oo uu shir guddoominayey guddooomiyaha golaha Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxa lagu doortay guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee golaha.

jagadan oo uu hore u hayey guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee hadda Siciid Jaamac Cali balse uu baneeyey ka dib markii maalintii shalay loo doortay guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha ayaa waxay golahu u doorteen in u uahaado guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha Xildhibaan Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Sheekh Muuse Sheekh Madar in u ahaado guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee guurtida Somaliland.

Doorashadan loo galay guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha ayaa ahayd mid ay markii hore isku soo taageen saddex xildhibaan oo iyagu soo gudbiyey in ay u tartamayaan jagada balse mid ka mid ah xildhibaanadaasi ayaa ka maqnaa fadhiga halka xildhibaan kalena oo iska casilay tartankii waxaana tartanka galay xildhibaanka la doortay iyo xildhibaan kale oo uu isaga cod kaga guulastay .

laba fadhi oo aan caadi ahayn oo ay golahu yeesheen maanta iyo shalay ayaa waxay ku kala doorteen guddoomiyayaasha ku xigeenka 1aad iyo 2aad taasi oo timid markii uu geeriyooday guddoomiye kux-igeenkii 1aad ee guurtidu Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre.

warsugansomaliya.wordpress.com Hargeysa

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s