Faroole oo ka hadlay shirkii Kismaayo iyo qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho, kuna tilmaamay fal arxandaro .

8_13

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan maxamed Faroole ayaa si kulul u cambaareeyey qarixii doraad lagu weeraray xarunta garsoorka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho, Isgoo ku tilmaamay fal arxan darro ah oo ay soo maleegeen wuxuu ugu yeeray dhiig miirato u dhar dhigatay dabar goynta umadda Soomaaliyeed.

Cabdiraxmaan Faroole ayaa hadalkan ka jeediyey xilli uu farayey madaxtooyada cusub ee maamulkiisa ,wuxuuna sheegay inay aad uga qiiraysan yihiin falkan foosha xun ee lagula kacay ummadda Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, wuxuuna falkan ku eedeeyey kooxda Al-shabaab oo u ku tilmaamay argagixso isku bahaysatay darbar goynta indheer garadka iyo inta caqliga u saxiibka ah.

Madaxweynaha ayaa ka ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed inay umidoobaan dabargoynta Al-shabaab, Wuxuuna sheegay inay iminka kooxdani ku dhaw dahay in dalka laga tirtiro waa sida uu yiriye, wuxuuna si gaar ah ugu baaqay dadka reer Puntland inay la shaqeeyaan laamaha amaanka oo sida uu yiri dadaal weyn ku jira.

Dhinaca kale Mar uu ka hadlay ammaanka Puntland ayuu sheegay inay ku guuleysteen inay horumar ka sameeyaan sugidda ammaanka, wuxuuna xusay inay sii wadayso Puntland horumarka dhinacyada siyaasadda iyo horumarinta ah.

Madaxweynaha Puntland wuxuu dhinaca kale ka hadlay shirka Kismaayo ka socda ee maamulka loogu sameynayo gobolada Jubbooyinka iyo Gedo kaas oo uu sheegay inay soo dhaweynayaan, wuxuuna ugu baaqay ergooyinka howsha wada inay xalliyaan khilaafaadyada jira si loo hirgeliyo dhismaha Jubbaland, “Haddii aan Puntland nahay waxaan ku faraxsannahay dhismaha Jubbaland, waxaana rajeynaynaa in dhismaha maamulka uu ku dhaco si nabadgalyo ay ku jirto, ayna Jubbaland ka mid noqoto dowladda dhexe ee Soomaaliya,” ayuu Faroole hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

warsugansomaliya.wordpress.com

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s