TODOBADA QODAB EE KASOO BAXAY KULANKİİ MADAX WAYNAHA SOOMALİYA IYO MAAMULKA SOOMALİLAND İYO HANKII GOONİ İSKUTAAGA OO SOO AFJARMAY.

Madaxweyne-Xasan-iyo-Axmed-Siilaanyo.-300x202

1-  Labada dhinac [dawlada federaalka Soomaaliya iyo dawlada Somaliland] inay sii wadaan wadahadalada u socda.

2- Labada dhinac waxay ayideen labadii heshiis ee hore ee wadahadalada ahaa ee dhexmaray dawladii kumeelgaarka ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

3- In labada dhinac ay wadahadalada sii wadaan iyadoo beesha caalamka dhanka farsamada ka caawin doonto.

4- In Iskaashi buuxa laga yeesho dhanka nabadgelyada iyo tababarada ciidamada amaanka.

5- In la wadaago deeqaha beesha caalamku siiso Soomaaliya oo Somaliland qeybteeda ka hesho.

6- In muddo 90 cisho gudahood ah kulan labaad lagu qabto, kulankaasoo ka dhici doona magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga.

7- In labada dhinaca ay joojiyaan hadallada xanafta leh ee wax u dhimi kara wadahadalada socda.

Heshiiskan dhanka dawlada federaalka Soomaaliya waxaa u saxiixay wasiirka arrimaha gudaha C/kariinXuseen Guuleed, dhanka maamulka Somaliland waxaa u saxiixay wasiirka arrimaha dibadda Maxamed C/laahi Cumar.

Saxiixa heshiiska oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada Turkiga ee magaalada Ankara ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wufuuda labada dhinac iyo masuuliyiinta dawlada Turkiga.

Heshiiskan toddobada qodob ah ayaa ka dambeeyay kulan hal saac qaatay  oo madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo ku wada yeesheen xarunta wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga, iyadoo uu goobjoog ka ahaa kulankaasi wasiirka arrimaha dibadda Turkiga.

Kulankaasi ka dib ayaa madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Siilaanyo waxay kulan albaabada u xiran yihiin ay la yeesheen raysul wasaaraha Turkiga Rajjeb Deyib Erdugan iyo madaxweynaha Turkiga Cabdallah Goul oo ku qaabilay qasriga madaxtooyada ee magaalada Ankara.

warsugansomaliya@outlook.com

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s