Siilaanyo Iyo Godane Oo Qaraxyadii Muqdisho Lagu Tuhmayo (Sir La Helay)

top-secret1_3466459

Warar si hoose loogu soo dusiyay warsugansomaliya.wordpress.com ayaa sheegaya in qaraxyadii maanta gilgilay Magaaladda Muqdisho ayaa la tuhmayaa in  laga soo maleegay Magaaladda Hargeysa,iyadoo qaraxyadaan loo xilsaaray inuu fuliyo Safiirka Somaliland u fadhiya Koonfurta Soomaaliya.

Qaraxyadan Muqdisho maanta gilgilay iyo dilka loo geystay muwaadiniin u dhashay Dalka Turkiga ayaa loogu tala-galay in Beesha Caalamka la tuso in Magaaladda Muqdisho ay tahay goob argagaxiso,si markaas Caalamka looga dhaa-dhiciyo in la aqoonsaddo Maamulka Somaliland.

Qaraxyadan ayaa waxaa laga shaki-qabaa sida aan xogta ku heleyno inuu ka warhayo Gudoomiyaha Maxkamadda-Sare Ceydiid Ilka-Xanaf oo qaraabo hoose la ah Madaxweynaha Somaliland Siilaanyo,waxaana shaki ugu weyn uu yimid kadib markii si fudud Alshabaab ay u beegsadeen Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamada sare oo inta badan ay ku dhinteen 16- qof ee lagu dilay  weerarka.

Dhinaca kale Safiirka Somaliland u fadhiya Koonfurta Soomaaliya Axmed Godane iyo Sirdoon Hargeysa ka yimid oo maalmahan Muqdisho ku sugnaa ayaa lagu tuhmayaa inay qaraxydan geysteen,iyagoo fulinaya amar uu bixiyay Madaxweynaha Somaliland Siilaanyo oo kula balamay hadii aan la aqoonsan Somaliland shirka Turkiga inay qaraxyo ka fuliyaan Muqdisho dilna u geystaan Muwaadiniinta Turkiga si Caalamka iyo Dawladda Turkiga ay uga dhaa-dhiciyaan inay Muqdisho tahay goob argagaxiso loona baahan-yahay in markan lan gaaray xiligii la aqoonsanlahaa  Maamulka Somaliland

ISHA KUHAYA WARSUGASOOMALİYA.WORPRESS.COM

Advertisements

fariintaadda halkan ku dhaaf

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s